Hal askari kaliya oo kasoo jeeda beelaha .5 ayaa loo xukumay boqolkii Bajaajle ee Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tirada dhalinyarada ay ciidamada booliiska Soomaaliya ku dileen magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay gaarayaan 103 qof, ku dhawaad hal sano iyo bar,  waxaana markii ugu horreysay Maxkamadda Ciidamada Qalabka ee Soomaaliya xukun ku riday Askarigii ugu horreeyay ee dil qof shacab ah ugu geesta Muqdisho islamarkaana ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa go’aan ku dhawaaqday sabtidii waxaana Askariga dilka lagu xukumay la sheegay in qof shacab oo Bajaajle ah ku dilay Isgoyska Tarabuunka qof kalane ku dhaawacay waana Askarigii ugu horeeyay ee loo xukumo dil Bajaajle.

Askariga dilka lagu xukumay oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa ciidamada booliiska isku dhiibay maalintii uu dika ka geestay isagoo ooyay oo sheegay in ay rasaasta uga fakatay. Ciidamo ku sugnaa rugtaas ayaa iyadoo ay dadweyne maqlayaan kula taliyay Askarrigaan in uu cararo balse uu isaga go’aansaday in uu is dhiibo kadib markii uu naxay islamarkaana uu baxsan waayay.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in Askarigaan oo ka tirsan booliiska uu ka soo jeedo beelaha loogu yeero .5 (Point Five) ee la yaso waxayna taasi dowladda u fududeysay in go’aankaan ay qaadato maadaama aysan cadaadis kala kulmeyn beeshiisa.

Caasimada Online uma doodeyso in aan sharciga wax uu ka qabo la marsiinin Askarigaan dilka geestay laakiin waxay umadda Soomaaliyeed u iftiimineysaa in wali ay shaqadooda sii wataan Ciidamo kale oo dilal badan Muqdisho ka fuliyay kana tirsan booliiska Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidamada booliiska Soomaaliya Jenaraal Zakiya Xuseen oo barteeda Facebook ku daabacday go’aanka Maxkamadda islamarkaana soo dhoweysay go’aanka Maxkamadda ee xukunka dilka waxaa darawal u ah Askari Booliis ah oo 3 bil ka hor Shacab Bajaajle ah ku dilay isgoyska Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir. Halkan ka aqriso xogtaas.

Askarigaan dilka Howl-wadaag ka geestay ayaa waxay qaraabo dhow yihiin Jen. Zakiya waxaana dilka ka dib laga dhigay darawalka gaarka ah ee Zakiya waxaana arintaan u xaqiijiyay Caasimada Online Abitga iyo Hooyada dhashay wiilkii uu dilay darawalka Zakiya, kuwaas oo loogu hanjabay in la xiro lana dili doono haddii aysan arrintaan ka harin.

Sidoo kale qoyskaan ayaa Caasimada Online u sheegay in 3 jeer ay la fariisteen Zakiya kadibna ay ciidamada ku wargelisay in aan loo soo deyn karin qoyskaan waxaana halkaasi ku dhamaaday ama ay qoyska ku joojiyeen baadi goobkii ay ugu jireen cadaaladda wiilkooda.

Hadii ay shaqayneyso cadaaladda Soomaaliya islamarkaana dowladda lagu kalsoonaan karo hey’adaheeda garsoorka xagee ayey ku dambeeyeen dhamaan Ciidamadii dilalka fuliyay? Dhowr-jeer ayey dowladda fagaare ka sheegtay in la soo qabtay Askar dilal geestay, hadii ay cadaalad jirto maxaa Maxkamad loo soo taagi waayay waa su’aalaha ay qabaan qaar badan oo kamid ah Shacabka Soomaaliyeed.  

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com