Waqooyiga Muqdisho oo caawa ciidamo badan lagu daadiyay iyo xiisad ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo aad u hubeysan oo ah kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caawa lagu arkayaa degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo qeybo kamid ah Cabdulcasiis, ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidankaan ay isku ballaariyeen xaafadaha qaar ee degmooyinkaas, waxaana la beegsanayaa askarta Milateriga ka tirsan iyo kuwa kale ee hubeysan.

Saraakiisha ayaa kala ah Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Axmed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre.

Si rasmi ah looma oga ujeedka ciidankaan hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in ay raadinayaan ciidamo shalay ku dagaalamay degmooyinka Kaaraan iyo qeybo kamid ah Cabdulcasiis, oo ka tirsan militariga.

Shacabka degmooyinkaas ayaa sheegay in caawa ay waqti hore xaroodeen dadka degaanka,  islamarkaana la xiray goobaha ganacsiga iyadoo la dareemayo jawi cabsi ah.

Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdulcasiis ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal culus oo ay ku dhinteen ugu yareen 10 qof oo isugu jira shacab iyo dhanacyadii dagaalamay, kaasi oo dhex-maray laba ciidan oo ka wada tirsan militariga.

Arrintan ayaa imaneysa ayada ciidamo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Millateri ay sidoo kale xalay xaafado ka tirsan degmada Kaaraan ka sameeyeen qorshe ay doonayeen inay ku weeraraan saraakiisha horkacayey ciidankaasi, si loo soo xiro, hubkana looga dhigo, balse ay ku fashilmeen.

Saraakiisha iyo ciidankii dagaalamay oo laba dhinac kasoo kala jeeday ayaa markii ay ka war-heleeen qorshaha dowladda isku dhinac noqday, waxayna ay u baxsadeen dhanka duleedka bari ee magaalada Muqdisho.