‘Dhalinyaro ay Kenya dagaal gelineysay ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga’

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ee dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa faahfaahin ka bixiyey wararkii u dambeeyey ee xiisadda ka taagan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Korneyl Rufle ayaa sheegay inay isu-soo dhiibeen ciidamo ka tirsanaa jabhad uu sheegay in Kenya ay ka aas-aastay xuduuda labada dalka, sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay magaalada Mandheera.

“Dhalinyaradii sida afduubka ah lagu abaabulay Mandheera, hal horin ayaa saakay soo fakatay, illaa 45 nin ayaa nasoo gaartay saacadihii u dambeeyey, kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Beled-Xaawo iyo deegaanka Soofka,” ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.

Afhayeenka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in aysan ka wal-walin dagaal dhex mara ciidamada Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in hadii la is fara saaro ay ciidamada Soomaaliya kalsooni badan ku qabaan inay guulo soo hoyn karaan.

“Waxaan inkugu bishaareynayaa in diyaarado iyo taangi Afrikaan leeyahay aanaa ka baqeyn oo rag ku filan aan nahay, iyadoo qof kasta oo Soomaali ah aanaa ka maarmin hiilkiisa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Korneyl Rufle.

Waxa uu sheegay in hiigsiga ciidanka xoogga dalka ee Gedo ku sugan uu yahay inay qabsadaan aagga Raas-kambooni, gaar ahaan halka xad beenaadku uu badda ka galo, halkaas oo ah deegaanada ay maamusho Jubbaland.

Afhayeenka ciidanka xoogga dalka ee gobolka Gedo ayaa sidoo kale aad ugu mahadceliyey dadka Soomaali Kenyaanka ah ee ku nool magaalada Mandheera oo aad ugu dhow magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

“Waxaan u mahad celinayaa dadka degan Mandheera oo muujiyey Soomaalinimo dhab ah, waxaan ku farxad gelinayaa inay ciida ay ku noolyihiin ay mulki u leeyihiin, mida la gumeystana aanaa hadda duulaan ku aheyn, hadda aduunku waa horumaraye inaad qalinkiina xornimada ku heshaan ayaan rajeynayaa, laakiin Kenya daan daansiga ay nagu heyso markaan fiiriyey waxay u muuqataa gobolka NFD inuu xoroobi doono” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Korneyl Rufle.

Hoos ka Daawo