War cusub oo kasoo kordhay maxkamadeynta ninka loo heysto inuu gubay xaaskiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo war cusub saartay ayaa muddeysay xilliga la qaadayo dacwadda ka dhan ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu degmada Dharkenley ku gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaaday in kiiskan oo ah mid xasaasi ah la guda geli doono 21-ka bishan oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socda.

“Maxkamadda ayadoo gudaneyso waajibaadka saaran waxay muddaysay gal-dacwadeedka ciqaabta summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta Arbacada ah ee taariikhdu tahay 21/02/2024 saacadduna tahay 9:00 subaxnimo” ayaa lagu yiri warqadda Maxkamadda.

Sidoo kale Maxkamadda Gobolka ayaa fartay taliyaha qaybta dambi baarista CID-da inuu diyaariyo eedeysanaha, si waqtiga loo qabtay loogu horgeeyo cadaaladda.

“Waxay faraysaa maxkamadda taliyaha qaybta baarista dambiyada CID inuu diyaariyo maxbuuska sare ku xusan, sidoo kalena uu horkeeno Maxkamadda Gobolka Banaadir taariikhda iyo saacadda la muddeeyay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Maxkamadda.

Dhinaca kale, Maxkamadda ayaa ka codsatay xeer ilaalinta iyo qareenada difaacaya eedeysanaha inay kasoo qayb-galaan dacwadda, ayna diyaarsadaan cadeymahooda.

Dhowaan eedeysanaha waxaa soo wareejisay hay’adda NISA oo ninkan kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay Booliska, si loo Maxkamadeeyo.

Tallaabada ay qaaday Maxkamadda ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay cabanayeen ehellada marxuumadda oo la hadlay warbaahinta, kuwaas oo sheegay in lala daahay maxkamadeynta ninka gabadhooda u dilay sida arxan darrada ah.

“Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninkaas oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinjeer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.

Si kastaba, falkan argagaxa leh ayaa dhaliyay carro xooggan, waxaana weli laga war sugayaa halka ay mariyaan hay’adaha ku shaqada leh.