War cusub oo kusoo kordhay xil ka-qaadisti Cali Shaamey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda  mudane Cabdi Canshur Xasan ayaa dhowaan xilkii xubinimada guddiga isgaarsiinta ka qaaday Mudane Cali Ibraahim Cali (Shaamey) oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda isla markaanna xubin uga ahaa Guddiga Isgaarsiinta Qarankataas.

Cali Shaamey ayaa waxa lagu eedeeyey in uu ku biiray islamarkaana metelay xisbi siyaasi ah.

Mudane Cali Shaamey ayaa xil kaqaadistaas ku gacansayray isaga oo sheegay in uu maxkamad la aadi doono Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, inkasta oo uu wasaaradda ku metelayey xubinnimada guddiga isgaarsiinta Qaranka  haddana waxa uu sheegay Cali Shaameey in aysan wax xeer ah oo u diidaya in uu xisbi ku biiro.

Balse waxaa soo ifbaxay xilka ka qaadis ka balaarran oo uu madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ku sameeyey Mudane Cali Shaamey.

Xil kaqaadista uu sameeyey madaxweyne Lafta-gareen ayaa loo  direy dhammaan Wasaaraddaha Dowladda Federaalka ah, Hay’addaha iyo Safaaradda kaas oo uu ugu sheegayo in uuna marnaba meteli karin xafiiska madaxweynaha iyo Dowlad Goboleedka Midna.