Sacuudiga oo noqay dalka ugu hub iibsashada badan dunida + Lacagta uga baxda

Riyadh (Caasimadda Online) – Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa noqotay dowladda ugu soo iibashada badan hubka laga soo bilaabo sanadkii 2014 illaa 2018

Sida ay sheegtay xog aruurin la sameeyey Sanadkii 2018, Dowladda Mareykanka ayaa sii waday in ay hubka ka iibiso dowladda Sacuudiga 88% marka loo fiiriyo dowladaha kale oo ay hubka ka iibiso.

Intii u dhaxeysay 2014 illaa 2018 Dowladda Sacuudiga ayaa iibsatay 22% hubka ay Dowladda Mareykanka suuq geyso, taasoo ah sare u kac aad u weyn marka loo fiiriyo sanadkii 2019-2013 oo ay aheyd 4.9%.

Saanadaha Ciidamada ay Sacuudiga kasoo iibsato Dowladda Mareykanka ayaa waxay isugu jiraan Hub, Gaadiidka Dagaalka, Diyaaradaha Dagaalka, Gataanlada Difaaca, Madaafiic iyo Maraakiib.

Saanadaha Ciidamada oo ay Sacuudiga heshay 2014-2018 ayaa waxaa kamid ah 56 diyaaradaha dagaalka oo ay ka iibsatay Mareykanka, iyo 38 kale oo ay ka iibsatay Ingiriiska sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay International Peace Research Institute (SIPRI).

Dowladda Sacuudiga ayaa qorsheeneysa inay 2019-2023 Mareykanka kasoo iibsato 98 diyaaradaha Dagaalka, 7 Gantaalada difaaca ah iyo  83 Taangiyo. Sidoo kale  Sacuudiga ayaa isla inta u dhaxeyso sanadahaas qorsheeneyso inay Canada kasoo iibsato 737 Gawaarida dagaalka ah, 5 Markab oo ay kasoo iibsan doonto Spain, iyo sidoo kale Gantaalada Balaastiga ridada gaaban oo ay kasoo iibsan doonto Ukrain sida lagu sheegay warbixinta SIPRI.

10-ka Dowladood ee ugu iibsashada badan hubka sanadihii 2014-2018 ayaa afar kamid ah waxay ku yaalaan Bariga Dhexe, Sacuudi Carabiya ayaa iibsatay 33% hubka loosoo suuq geeyo Bariga Dhexe, Masar ayaa iyadana iibsatay 15%, Imaaraadka Carabta ayaa iibsatay 11% halka Ciraaq ay iibsatay 11%.

Halkaan hoose ka arag dowladaha ugu badan oo ay Sacuudiga hubka kasoo iibsato

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com