Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa weli ku adkeysaneysa in Somalia ay ka dooneyso inay ku biirto xulafadeeda, isla markaana xiriirka u jarto dowlada Qadar oo lala xiriirinaayo kiisas Argagixisanimo.
Dowlada Sacuudiga ayaa xiriir joogta ah la sameysa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo lagu cadaadinaayo inuu dib uga laabto mowqifkii uu ka qaatay xiisada kala dhexeysa Qadar.
Qoraal lagu daabacay Jaraa’idka afka dheer Lemond ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Sacuudiga ay ku hanjabtay inay mamnuuci doonto muwaadiniinta Soomaalida ee doonaya gudashada waajibaadka Xajka.
Jaraa’idka waxa uu qoray in dowlada Sacuudiga ay mamnuuci doonto in Fiiso dal ku gal ah lasiiyo dhammaan shucuubta heysata dhalashada Somalia, haddii aysan DFS ku dhawaaqin inay xiriirka u jartay Qadar.
Dowlada Sacuudiga ayaa sidoo kale ku Hanjabtay in Somalia ay xiriirka u jari doonto, haddii aysan ku dhaqaaqin isbedel dhanka mowqifkii hore, isla markaana xiriirka u jarin Qadar.
Wadamada badan ayaa u hogaansamay Cadaadiska dowladda Sacuudiga balse waxaa jira wadamo Afrikaan ah oo ku adkeystay inay dhex dhexaadinayaan Sacuudiga iyo Qatar.
Dowlada Sacuudiga ayaa ku Hanjabtay in go’aan cad ay ka qaadan doonaan dowladaha kale ee aan weli xiriirka u jarin Qadar, iyadoo lagu adkeyn doono sharciyada dal ku galka ah ee Sacuudiga.
Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili dhawaan DFS ay Wasiiro u dirtay Sacudiga kuwaa oo aan la kulmin soo dhaweyntii loo baahna iyadoo lala kulansiiyay xubno agaasimayaal ah, kadib markii DF ay ku dhawaaqday go’aankeeda dhex dhexaadnimo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]