War deg deg ah: Qarax lala eegtay dad shacab ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in miinada ay la kacday mooto ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 5 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu jiro dhaawac kale oo soo gaaray dad shacab ah, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq dhaqaaqa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Faah faahinta kala soco:Caasimada.net.