Qoor-Qoor oo shir deg-deg ah ku qabanaya HOBYO

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo ku sugan Hobyo ayaa maanta shirweyne ku qabanayo halkaasi.

Shirka oo ah mid deg-deg ah ayaa madaxweynuhu wuxuu isugu yeeray dadka ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi sida ganacsato, siyaasiyiin, odayaal iyo xildhibaano.

Sidoo kale xubnahaasi lagu marti qaaday shirka ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in shirkaan intiisa badan diirada lagu saarayo dhismaha dekedda Hobyo oo muhiim u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa baahida loo qabo dekeddaasi, iyadoona shirka lagu soo qaadi doono sida ay reer Galmudug ay qeyb uga noqon lahaayeen dhismaheeda.

Axmed Qoor-Qoor oo maalmahan socdaal ku marayey deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa shalay gaaray degmada Hobyo oo si weyn loogu soo dhoweeyey halkaasi.