Madaxweyn Geelle oo ka hadlay loolanka ay ugu jiraan kursiga Golaha Ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuutu, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si faah faahsan uga hadlay loolanka kala dhexeeya Kenya ee tartanka kursiga aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay.

Madaxweyme Geelle ayaa sheegay in dowladdiisa ay olole adag u soo gashay helitaanka kursigaasi, si ay ugu matasho guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii ay Jabuuti hanato kursigaasi in mudnaanta 1-aad ay siin doonto, sidii looga gudbi lahaa walaaca ay qabaan dalalka qaar ee Afrika.

Madaxweynaha wadanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in jamhuuriyadda Jabuuti oo 27-ka bishan u dabaal dageyso 43 sano oo xornimo ah ay u qalanto inay hesho xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, isaga oo sheegay in muddadaasi ay ku caan-baxday nabad iyo dulqaad.

“Tani waxay aheyd olole aad u adag, waxaan soo dhageysanay oo aan diyaarsanay waxyaabaha aad mudnaanta siineysaan ee danaha idiin ah ee aad ka walaacsan tihiin ee aragtiyaha aad ka qabtaan dunida dhibka badan , 27-ka bishan Juun waxaan u dabaal degi doonaa 43 sanno oo xornimo ah, waa 43 sanno oo ay Jabuuti ku caanbaxday nabad iyo dulqaad.” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in Jabuuti ay door weyn ka qaadatay dadaallada nabadda ee gobolka, wuxuuna tusaale u soo qaatay shirka wada-hadallada madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan isugu tegay gudaha dalkaasi.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Kenya iyo Jabuuti ay ku kala bixi waayeen cod-bixintii ka dhacday xarunta QM ee loolanka labadaas dal ay ugu jireen helitaanka kursi aan joogto ahayn oo ka mid ah 15-ka kursi ee golaha ammaanka, Qaramada Midoobay.

Doorashadaasi ayaa waxa ay Kenya heshay 113 cod, halka Jabuuti ay ka heshay 78 cod, taasi oo macnaheedu yahay in maanta markale lagu laaban doono codeyn kale, maadaama Kenya aysan helin laba meelood saddex meel codadka ama 129 cod.