Dood ka taagan qodob ka hor-imanaya diinta oo ku jira sharci horyaalla BF Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo hadal ka jeediyey kulankii xildhibaanada golaha shacabka oo ajendeyaashiisa uu ku jiray sharciga Nootaayooyinka, ayaa dood ka keenay da’da looga baahanyahay qofka marqaatiga noqonaya oo sharcigaas ku qoran.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in diinta Islaamku ay qabto in qofka muslimka ah uu ku qaan gaaro 15-sano, balse sharciyadeena ay ku qorantahay in qofku ku qaan gaarayo 18-sano jir.

“Waxaa la yiri markhaatiga waa in da’diisu gaartaa 18 sano, taasina waxay ka hor imaaneysa diinta islaamka, anaga diinteena Islaamka waxay qoreysaa in 15 sano qofku ku qaan gaarayo, waana halka ay qofka uga bilaabaneyso in dembi loo qoro, inta ka horeysa waa saqiir, anaga in gaalada naloo raaco maaha” ayuu yiri Xildhibaan  Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa isaga oo kaftamayey su’aal geliyay hees uu horay u sameeyay isagu, taas oo uu ku amaanayey gabar 15-sano jir ah.

“Markaa leedihiin 18 sano ma anigaa rabtaan heestii shan ka roon in la igu qabsado oo gabar 15 jir ah aan ku amaanayey, marka maahan in la rogo wixii ay diinta Islaamku qabtay oo la yiraahdo 18-sano wixii ka yar waa saqiir waa qalad, xataa lama guursan karey qabaan, anagana gabdhaheenu 13-14 sano ayey ku qaan gaaraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Halkan ka Daawo