WAR FARXAD LEH: Somalia oo noqotay dalka labaad ee dunidda u dhoofiya…

Dubai (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta waxaa maanta oo Arbaca ah lagu soo gabagabeenayaa shirweyne caalami ah oo looga hadlaayo wax soo saarka Soomaalida, sidda beeraha, xoolaha iyo badda.

Shirkan oo maalintii Isniinta ka furmay xarunta ganacsiga ee Dubai, waxaa ka qaybgalaya hey’addo iyo ganacsato caalami ah, xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo maamullada Soomaaliya.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn looga hadlay bal sidda loo horrumarin karo wax-soo-saarka Soomaaliya sida xoolaha, beeraha iyo kalluunka.

Waxaa kaloo la soo qaatay maxay tahay sababta heesata in wax soo saarka Soomaalida aanu heli maalgalin caalami ah ama dunidda kale lagu xirro.

Shakhiyaad iyo hey’addo meesha ka hadlay waxa ay muujiyeen in sababo badan ay keeneyso in Soomaaliya aan la maalgashan taasoo ay ugu horreeso ammaanka, oo maan la isku haleeyo kama jirro dalka waxaa kaloo ay lee yihiin ganacsatada caalamiga meel aan dhigano lacagta ee baann caalami ah kuma yaallo dalla.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO oo ka mid ah hay’adaha shirka soo qaban-qaabiyey ayaa sheegay in ujeeddada shirku tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsatada dunida loo bandhigo wax-soo-saarka Soomaalida.

Hay’adaha soo qaban-qaabiyey shirka ayaa sheegay in waxyaabaha ay dhoofiyaan ganacsatada Soomaalida ah sida xoolaha iyo muuska sanadihii ugu dambeeyey ay aad  u kordheen,  loona baahan yahay in loo helo suuq-geyn muhiim ah.

Si kastaba, warka ugu farxada badan ee meesha laga sheegay waxa weeye in Soomaaliya ay noqotay dalka labaad ee dunidda u dhoofiya xoolaha nool.

Sannadkan kaliya Soomaaliya waxa ay adduunyada u dhoofin doontaa Shan Milyan oo xoolo nool ah, waxaa ka horeeya dalka Australia oo ah dalka ugu dhoofinta badan badan xoolaha dunidda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

Caasimada@live.com