Axmed Madoobe oo war cusub ka soo saaray sababta DF loogu loo wareejin la’ yaahay garoonka iyo dekedda

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ee Axmed Madoobe, ayaa war cusub ka soo saaray sababta loo wareejin la’yahay garoonka iyo dekedda Kismaayo, taasoo ahayd in shan bilood kaddib xilligii la saxiixay heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe ku gaareenAddis Ababa in lagu wareejiyo.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf Timajilic ayaa sheegay in uu u arkeenin wax caqabad ah in la wareejiyo garoonka iyo dekedda waayo wuxuu lee yahay waa ay shaqeeyaan hadda dowladdana waa la siiyaan wixiii warbixin ah oo ku saabsan sidda ay u shaqeeyaan.

“Uma arko wax caqabad ah in la wareejiyo garoonka iyo dekedda oo waxaa leh Jamhuuriyada Soomaaliya, dadka hadda gacanta ku hayana waa dad ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya, dowladda xittaa haddii ay gacanteeda lagu wareejiyo dadkii loo dhiibi lahaa garoonka iyo dekedda ayaa hadda gacanta ku haya” ayuu yiri Timajilic.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in maamulka Kismaayo ka dhisan uu wada shaqeyn la lee yahay dowladda dhexe, marka wax dhib ah oo meeshaa ka jirra ma lahan ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa muuqata in maamulka KMG ah ee Jubba uu weli ka goos adeegayo in uu soo wareejiyo garoonka iyo dekedda Kismaayo, maadama siddaas uu ahaa heshiiskii lagu kala saxiixday Addis Ababa dhowr bilood ka hor.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com