Nairobi: 100 Soomali oo xaflad diini ah ka qeyb galayey oo la kulmay dhacdo..

Nairobi (Caasimada Online) – Boliska dalka Kenya ayaa diyaariyey dacwaddo lagu soo oogayo dad Soomaali oo lagu soo qabtay hawlgal ka sameeyey Xarun ay leedahay Hay’ad Islaami ah oo ku taalla Nairobi, oo ay ka dhaceysay xaflad.

Ciiddanka Boliska waxay si gaar ah u abaareenn Dugsiga lagu magacaabo Mahamudai Islamic School oo ku yaalla Xaafadda Macknon, meel ku dhow Jidka dheer ee isku xira Nairobi iyo Mombasa.

Hawlgalkaasi ayaa la sheegay in lagu soo qabtay 94 Soomaali ah oo ay ku jiraan 41 dhallinyarro yaryar, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay si sharci-darro ah ku joogaan dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Boliska Kenya ayaa sheegay inay hawlgalkaasi qaadeen, kadib, markii la soo gaarsiiyey xog ku saabsan inay Dugsigaasi joogaan waxa ay ugu yeereen dhallinyarro Xag-jirayaal ah.

Dadka la soo qabtay ayaa la sheegay inay u badnaayeen dad marti ahaa oo lagu casuumay Munaasabad lagu qabtay Dugsigaas.

Dhinaca kale, dadka Soomaalida ee lagu soo qabtay Hawlgalkaasi ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Kwale , iyadoo ay Xeer beegtidamray in la sii daayo daayeen carruurtii lagu soo qabtay Hawlgalkaasi.

Waxa kaloo Boliska lagu amray in dadka kale ee la soo qabtay oo ay ku jireen Hooyooyin lagu sii hayo Xabsiga, ilaa laga soo dhamaystirayo gal-dacwadeedkooda.

Waxaana la wadaa in mar kale Maxkmaadda la soo taago bisha May 2-da.

Qaar ka mid ah dadka la soo qabtay ayaa lagu xukumay ganaax lacageed dhan afar kun oo Lacagta Kenya ah ama lix bilood oo xarig ahaa.

Mid ka mid ah Garsoorayaasha ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka shisheeyaha ee lagu soo qabtay hawlgalkaasi ahaayeen dad aan wax Dukumenti ama Aqoonsi u gaar ah wadanin.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Boliska Kenya xiraan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan caasimadda Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com