Norway oo war kasoo saartay odaygii ka yimid dalkeed ee isku qarxiyey B/B

Oslo (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa baareysa wararka sheegaya nin Soomaali ah oo ka tagay dalkeeda in uu isku qarxiyay weerar ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Ninka is qarxiyay oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Axmed Cabdulle, waa 60-jir la sheegay in uu ka tagay Norway iskuna qarxiyay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay hey’adda sirdoonka Norway PST ayaa sheegtay in warka ku saabsan ninka is qarxiyay uu cusub yahay isla markaana hadda uun lee baaritaan ay billaabeen balse aaney wax faah faahin kale ka bixin karin.

Dhinaca kale, Wargeyska ugu afka dheer dalka Norway ayaa qoray isna in ninkan uu sannadkii 1998-dii uu yimid dalkan Norway isagoona xilligaas loo qaabilay qoxooti ahaan, balse shan sannno kaddib ayuu u guuray dalka Swaden faah faahin intaas dhaafsiisan ma sheegin wargeyska isagana.

Si kastaba, ninkan ayaa la sheegay in ilaa hadda aaney Soomaalida aqoonsan balse gabar uu Abti u yahay ayaa deggan meel tuulo ah oo ku taalla dalkan Norway, sidda ay lee yihiin jaaliyada dalkan.

Waxaa hubaal ah haddii warkan uu xaqiiqo noqdo in Soomaalida ku nool dalkan, uu saameyn ku yeelan doono warkaas, waayo horrey waxaa walwal ku hayay Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Dhuxulow oo ka tagay Norway in uu ka mid ahaa dadkii isku qarxiyay xarunta ganacsiga Wastgate ee Nairobi bishii September.

Waxaa la magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo Soomaali ah kuwaasoo baara warka ku saabsan in ninka isku qarxiyay Buuloburde uu ahaa 60 jir ka tagay dalkan Norway.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Oslo 
Caasimada@live.com