War fiican oo HIIRAAN ka soo yeeray !!

Muqdisho(Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha C/raxmaan Maxamed Saalax oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inay guulo ka gaareen natiijadii ay u tageen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka ayaa sheegay in iminka uusan jirin wax dagaal ah oo ka dhacaya duleedka magaalada Beledweyne oo u dhaxeeya ciidamadii halkaasi ku dagaalamayay ee kala matalayay maleeshiyo beeleedka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii dagaalamay aysan is horfadhin oo lagu guuleystay in la kala qaado, walina ay wadaan kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan maleeshiyadii dagaalantay xubno matalaya.

Wuxuu eedeeyay dad uu sheegay inay siyaasiyiin sheeganayaan kuwaasi oo Idaacadaha qaar ka hurinaya dagaalada ka dhacaya deegaanka Deefow ee duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

“Wax dagaal ah hadda ma jiro maleeshiyaadkii waa la kala qaaday, waxaa noo socda kulamo aan dadka la qaadaneyno, waxaa colaada sii hurinaya dadka siyaasiyiinta sheeganaya iyo Media-yaha Xamar”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha.

Maalintii shalay kulan ay isku mari waayeen wafdiga dowlada ee gobolka Hiiraan u dirtay iyo midka mid ah maleeshiyaadka dagaalamay xubno matalayay ayaa ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Deefow ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo barakac ay sameeyeen dadka lagu dul dagaalamayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com