Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas maanta ay gaareyn wafdi ka kala socda IGAD iyo Midowga Yurub.
Wafdigan ayaa kulamo albaabada u xiran kula qaatay garoonka diyaaradaha Kismaayo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka kumeel-gaarka ee Jubba.
Xog badan lagama hayo kulanka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo oo saxaafadda banaanka ayey ka joogtay, balse waxaa la lee yahay wafdigan waxaa socdaalkooda uu la xiriiraa siddii loo taageeri lahaa maamulka KMG ah ee Jubba.
IGAD waxay ka mid tahay dhinacyada taageersan maamulka KMG ah ee Jubba ee ka dhisan magaalada Kismaayo.
Ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay intii ay joogeyn wafdiga gaar ahaan garoonka Kismaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho