Go’aanno kasoo baxay shir ay beelaha HAWIYE ku yeesheen dalka NORWAY

BAAQ TAAGEERO GO’AANADII KASOO BAXAY SHIRARKII ODAYAASHA IYO XILDHIBAANADA BEELWEYNTA HAWIYE EE MUQDISHO, TAARIIKHDIISU KALA AHAYD 19/20-07-2014

Jaaliyadda beelweynta Hawiye ee Norway  oo ka kooban siyaasiyiin, aqoon yahano, suldaano, culumaa udiin wax-garad  magacyadooduna ku saxiixan yahay baaqan, ayaa shir deg deg ah oo ay ku yeesheen xarunta wadanka Norway ee Oslo taariikhdu markii ay ahayd 20-07-2014, ayaa  dood dheer iyo falanqayn marxaladda wadanku marayo kadib, waxay kasoo saareen baaq taageero ah kaasoo si buuxda loogu taageeray, go’aanadii shirarkii isdaba joogga ahaa ee beelweynta hawiye go’aano adag kaga soo saareen kaasoo ay si buuxda uga soo horjeesatay siyaasadda dawladda ay ku aqoonsatay gobolada Koofur Galbeed ayadoo gobolka Shabeelaha hoose magac ahaan loogu buuxsaday kaasoo qilaafsan dastuurka kmg ah ee dalka u yaalla isla markaana loo tix gelinin rabitaanka dadka dega Shabeelada Hoose.

Jaaliyadda Beelweynta Hawiye ee Norway, waxay si buuxda u taageeraysaa in gobolka Shabeelaha Hoose uu ka mid yahay Shabelle State si waafaqsan dastuurka kmg ah ee dawladdu ag martay.

Sida la wada ogsoon hanaanka federaalaynta dalka sida dastuurka kmg ah ee u yaalla dalka dhigayo, in labo gobol iyo wixii ka badan is raaci karaan haddii dadka degaanku ku heshiiyaan. Sidaasi awgeed, ayadoo Jaaliyaddu ka duulayso habraaca ay dawladdu u martay dhaqan gelinta arrimaha sare ku xusan kaasoo ay dawladdu si cad ugu dhinac martay dastuurka, waxay kalsoonidii ay u haysay kala noqotay Xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli.

 

Geba-gebadii, waxay baaq u dirayaan dhammaan bulshada caalamka iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya siyaasadda Soomaaliya in baaqaani yimid kadib markii ay dawladdu iska indha tirtay dastuurkii kmg ahaa ee u yaalay dalka, isla markaana waxay ka codsanaysaa Jaaliyaddu in baaqan ay u tix-geliyaan mid aan wax gor-gortan siyaasadeed ah laga geli karin in gobolka Shabeelle Hoose  ka mid tahay Maamulka Shabelle State.

MAGACYADA XUBNAHA JAALIYADDA BEELWEYNTA HAWIYE EE NORWAY

  1. D/Sare Shahar Cabdi Afrax —— Guddoomiyaha Jaaliyadda
  2. Gud/Sul. Cabdiqawi Cabdi Faray
  3. Gud. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Khaliif
  4. Xil. Axmed Cali Wacays
  5. Inj. Cabdi Shiikh Axmed
  6. Inj. Axmed Aadan Cali
  7. Dr. Maxamed Xasan Daldalan
  8. Dr. Cabdiqaahir Cismaan Xasan
  9. Av. Faarax Guutaale Geeddi
  10. Cabdulaahi Xasan Kulmiye (Xoghaya Jaaliyadda)
  11. N/don. Shire Maxamud Geeddi
  12. Col. Maxamed Suudaani
  13. Col. Xabad Axmed Maxamed
  14. Haaruun Cali Shiilaale
  15. Xuseen Cismaan Nuur
  16. Cabdulaahi Aamiin Barre
  17. Cabdullaahi Jugjug
  18. Maxamed Aadan Nuur
  19. Bashiir Maxamed Axmed
  20. Caagane Cabdalle Sacad
  21. Diiriye Maxamed Guure
  22. Axmed Maxamed Cali
  23. Cabdulaahi Maxamud Siyaad
  24. Cismaan Cabdikaahin Cabdulle
  25. Cabdinaasir Jaamac Axmed
  26. Cabdiqadar Cali Cabdi
  27. Cali Salaad Cabdi
  28. Cabdinaasir Tabaarak Cali
  29. Faarax Sabriye Maalin
  30. Cabdinaasir Cabdullaahi Faarax
  31. Axmed Qare
  32. Axmed Siyaad Maxamed
  33. Cali Warsame Cabdi
  34. Ciise Xasan Rooble
  35. Sh. Axmed Aadan Dheere

Caasimada Online
Xafiiska Oslo
Caasimada@live.com