Daawo ciidamo la diyaarianyo & dagaal la rabo in dib loogu qabsado magaal…

Saaxdheer (Caasimada Online) – Xog aan ka helnay Deegaanka Saax-dheer ee gobalka Sool, waxa ay sheegeysaa in halkaas lagu diyaarinayo ciidamo aad u fara badan oo la doonayo inay xaqiijiyaan deegaanada goballada maamulka Khaatuma oo ay hadda qaarkood ku sugan yihiin ciidamada maamulka Somaliland.

Somaliland, ayaa weli haystay deegaano ka mid ah maamulka Khaatumo, waxaana qorshaha uu yahay in ciidamadan la diyaarinayo iminka ay qaadaan weerarro ka dhan ah ciidanka Somaliland.

Waxaa sidoo kale Saax-dheer ku sii qul-qulaya odaydhaqameedyo deegaanada Khaatuma ka soo jeeda, kuwaasoo iyana qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo ciidmaada Somaliland ee ku soo duulay Taleex.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Caasimada Online
Xafiiska Laascaanood
Caasimada@live.com