Xog: Maxay beesha Cumar Maxamuud ugu yeertay Prof. Cali Khaliif GALAYR?

Bursaalax (Caasimada Online) – Cali Khaliif Galayr oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka dhawaanahanna ku mashquul sanaa sida uu sheegay xoraynta Deegaanada ay gacanta ku hayso Somaliland ayaa ku sugan Deegaanka Bursaalax oo ka tirsan Gobolka Mudug waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Islaan Bashiir Islaan C/Dulle iyo Odayaal dhaqameed kale.

Xog aan helnay waxa ay sheegeysaain Cali Khalif oo ku socda magaca Khaatumo uu Gogol u fidiyay Islaan Bashiir Iyagoo ka wada hadlaya Dagaalka u dhexeeya khaatumo iyo Somaliland iyo Sida Beesha Cumar Maxamuud ay kaalin uga qaada lahaayeen Dadaalka loogu jiro Dib u xoraynta Gobolada Maqan.

“Waxaa nasoo wacay Islaan bashiir wuxuuna lasoo hadlay Garaad Jaamac wuxuuna u sheegay in beesha Cumar Maxamuud ay si iskeed ah diyaar ugu tahay Taageerida Khaatumo kadibna waxaanu inagoo wafdi ah nimid Tuulada Bursaalax oo si wacan naloogu soo dhaweeyey hada halkaasi ayaanu ku sugan nahay waxaana nasoo dhaweeyey Islaan bashiir odoyaal dhaqamee kale” Waxaa sidaas yiri mid ka mid ah Xoghaynta Cali Khaliif Galayr.

Cali khaliif ayaa sida wararku sheegayaan lagu wareejin doonaa Hub iyo Ciidan si uu ula tagaalamo maleeshiyaadka Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool waxaanaCali uu wali ku sugan yahay Deegaanka Bursaalax.

Dr Cali Khaliif galayr oo mar Somaliya ka noqday Ray’sulwasaare ayaa saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ku sugnaa safaranana ku marayey degaano kala duwan ee Sool iyo Cayn,dhawr jeer ayaa ciidamada u gaarka ah iyo kuwa Khatumo ay dagaalo la galeen maleeshiyaad ka tirsan maamulka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com