Maraakiibta sunta ku daadiya xeebaha SOMALIA oo hab lagu ogaado la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa billowday in ay kaamirooyin ku xirto xeebaha Soomaaliya kuwaasoo ka socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta shisheey ee suntan ku daadiya xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeesiga iyo kheyraadka Maxamed Colow Barrow oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in ay dhammaatay maraakiib shisheeye in ay sun ku daadiyaan xeebaha Soomaaliya kuwaasoo gurta kheyraadka uu alle ku maneestay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay oo kale in wixii hadda ka dambeeya aan loo dul qaadan doonin in xeebaha Soomaaliya lagu daadiyo sun iyo wax yaabo khatar leh.

Mar uu ka hadlaayay cidda ku caawineysa in kaamirooyin lagu xiro xeebaha Soomaaliya, wasiirka ayaa xusay in ay jiraan waddamo badan oo ay saaxibo yihiin kuwaasoo ku caawin doona in goobo ammaan ah laga dhigo xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka waxaa kaloo uu ka dhawaajiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ilaaliso xeebaha Soomaaliya oo 20kii sanno ee la soo dhaafay noqday kuwa loo soo waarido suntan halis ah iyo haraadiga wax yaabaha ka soo hara warshadaha caalamka.

Si kastaba, marar badan ayaa laga digay in ay ka dhalan karaan khataro xagga caafimaadka iyo deeganka ah suntan lagu daadiyo xeebaha Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa hadda ka soo kabaneysa dagaalladii ka dhacay dalka waxaana dib loo yagleenayaa ciidankii badda waardiyeen jiray in kastoo dowladda tabarta daran ee taageerada ka hesha caalamka aysan arrintaas ku guuleesan karin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com