Xasan oo maanta laga cabsi qabo inuu BFS kala kulmo wax uusan fileyn iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Talaadada maanta ah la filayaa in la soo xiro fadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somaliya, iyadoona ay Xarunta xiligaani ku qulqulayaan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kulanka ay maanta wada qaadanayaan Golaha shacabka, ayaa waxa uu noqonayaa kulankii koowaad, markii laga soo bilaabo Qaraxyadii is xigxigay ee lagu weeraray Xarunta, waxa ayna maanta wadaan kulankii lagu soo xiri lahaa fadhiga 4-aad.

Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa soo xiri doono Madaxweyne Xassan Sheekh oo isagu maalmahaani ka ganbanaayay inuu hortago Baarlamaanka, balse maanta ayaa waxaa laga mamaarmaan ah inuu halkaasi gaaro, iyadoona la filaayo inuu ka jeedin doono Khudbadii uu kusoo xiri lahaa, wallow Madaxda qaar oo noo xog waramay inoo xaqiijiyeen inuu Khudbadiisa Culeys badan ku saari doono Xifaaltanka kala dhexeeyo Golaha Shacabka.

Xassan Sheekh ayaa waxaa la filayaa in Khudbadiisa uu uga faa’iideysan doono Eedeymaha ku saleysan Lunsashada Hanti Qaran iyo iibsashada qeybo kamid ah Badda Somalia.

Xassan Sheekh, ayaa waxa uu maanta hortagayaa Xildhibaano caaboon oo maalmahaani dhaleeceen iyo Eedeymo uga jeedinaayay Warbaahinta, waxaana la sheegayaa in Xassan uu Saaka ku sugan yahay xaalad Walaac, isagoona ka cabsi qaba inuu waji xun kala kulmo Xildhibaanada.

Dhanka kale, Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaan wax kulan ah isugu imaan Xarunta Golaha Shacabka, kadib weerarkii ismiidaaminta ee 5-tii bishaan ka dhacay barxada Sayidka, oo ku dhow Xarunta Baarlamaanka.

Lama Oga sida uu Saakay Xassan uga hor Khudbeyn doono Golaha shacabka, waxa uuna halkaasi gaarayaa iyadoo uu dayacay Ammaanka, iibsaday Badda iyo Hantidii Qaranka oo uu Lunsaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho  

Caasimada@live.com