Cabdi Waal “Wadanka waxaa qabsaday nin aan waxba kala ogayn, DOWLADDA QATAR ayaana arrintaas sabab u ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdi Nuur Siyaad (Cabdi Waal), ayaa wuxuu eedeymo xoogan uu u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Cabdi Nuur Siyaad, ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inaanu waxba kala garanayn, ayna Dowladda Qatar ka gacan siisay inuu Madax ka noqdo dalkaan. Isla-markaana ay cid kasta ogtahay in xaalad khatar badan uu dilku ku sugan yahay, sida uu yiri.

“Wadanka waxaa qabsaday nin aan waxba kala ogayn, Dowladda Qatar baana u qabatay. Dalku wuxuu ku sugan yahay xaalad khatar badan, oo cid kasta ay maanta dareensan tahay.” ayuu yiri Cabdi Nuur Siyaad.

Wuxuu Madaxweynihii hore ee Soomalaiya Shariif Sheekh Axmed uu ku ammaanay, nin ka warqaba xaalada dadkiisa, wax ka maqla, waxna ka qaata, sida uu hadalka u dhigay.

“Shariifka wuxuu ahaa nin dadkiisa ka warqaba, xaaladooduna la socdo. Shariif wuxuu ahaa nin Oday ah oo wax ka maqla dadkiisa, waxna ka qaata.” ayuu yiri Cabdi Nuur Siyaad.

Wuxuu kaloo yiri “Laakiin Xasan Sheekh cid uu wax ka maqlaayo malaha, cid uu wax ka dhageysanaayana lama arko, bulshaduna way la socotaa wax kastaa oo uu yahayba.”

Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eedeeyay inuu halis ugu jiro inuu iibiyo qaybo ka mid dalka, xilli uu soo haadalqaaday in Xeebaha Soomaaliya, uu qayb ka mid ah uu iibinaayo, sida uu yiri.

“Xasan Sheekh wuxuu halis ugu jiraa inuu dalka ka iibiyo dad kale. Hadda arrinta Badda waad la socotiin wuxuu rabaa inuu iibiyo, warqad buuna u gudbiyay Qaramada Midoobe, waana soo bandhigi doonaa iyadoo qoraal ah.” ayuu yiri Cabdi Waal, isagoo la hadlaaya Idaacada SKY NEWS ee Magaalada Muqdsho.

Waxa uu intaa ku daray “Shirkadaha Ajnabiga waxay lee yihiin heshiiskaas noo saxiix ma soo bandhigeyno, hadana bulshada waxay xogta ka heshaa shirkadahaasi, maxaa yeelay ma rabaan wax qarsoodi ah, iyagaana ka helnay dekumentiga aan soo bandhigi doono.”

Cabdi Waal, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu is casilo, isagoo ka jawaabaaya baaqii 5-tii bishii May ka soo yeeray Xildhibaanada Baarlamaanka, ee ahaa in uu is casilo, haddii dadkii Somaliyeed ay ka niyad ka jabeen Dowladda uu garwadeenka ka yahay.

“Xasan Sheekh waxaa u sharaf ah inuu qaato dalabkii ay u soo jeediyeen Xildhibaanada Baarlamaanka, ee inuu iska casilo xilkaan. Shacabka kalsooni daro weyn ayay ka muujinayaan Dowladdii.” Sidaasi waxaa yiri Cabdi Waal.

Isha: Dhacdo.com