C/WELI oo xiray albaabkii Villa Somalia ee gurigisia ku aadanaa (Kala shakiga isaga iyo Xasan oo meel xun maraya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaare Cabdi Weli, ayaa albaabkii madaxtoyada ee gurigiisa ku aadanaa xiray kadib markii uu ka shakiyay baabuurta ka soo baxda dhinaca xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Go’aanka Cabdi Weli ku dhiiraday wuxuu ka marqaati kacay inay dhamaatay is aaminaadii ka dhaxeeysay isaga iyo Madaxweyne Xasan.

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Somalia, wuxuu magacaabay guddi xafiiskiisa ka tirsan, kuwaas oo qiimeeyn ku sameeynaya dhismaha afisyooni si golaha xukumadda loogu raro deegaankaas.

Cabdi Weli iyo Wasiir Faarax Cabduqadir ayaa god dheer ku hubsaday Xasan, kadib markii ay kala dileen isaga iyo beeshiisa, oo iminka ka fakareysa inay ku biirto mooshin ka dhan ah.

Cabdi Weli, wuxuu sidoo kale siyaasadda arrimaha dibadda iyo tan gudaha uga adkaaday Xasan Sheekh, oo maanta lagu wado inuu hortago golaha Baarlamaanka.

Xildhibaanada mucaaradsan madaxweynaha, ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan isku aaminin doonin golaha Baarlamaanka oo la filayo in la soo xiro, sidaas darteed waxay dhamaantood ku xog warameen inay ka baaqsan doonaan sababa la xiriira amaankooda.

Xildhibaan Faysal ayaa hore loogu dilay Villa Somalia, sidoo kalena weerarkii Ra’iisul wasaaraha ayaa laga shaki qabaa inuu abaabulay Faarax C/qaadir, si loo khaarijiyo Cabdi Weli.

Sida muuqata Muqdisho waxay dib ugu laaban doontaa nidaamkii awooda beelaha iyo hogaamiye kooxeedyada maadama Madaxda Dowladii laga sugayay inay ku shaqeeyso Dastuurka ay sharciga oo lagu dhaqmo ka doorteen hanaanka sharci darada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com