BASHIIR GOOBE oo dhaqaale culus ku iibsaday xubin ka tirsan BF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia ayaa sheegaya in Agaasimihii hore ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Bashiir Maxamed Jaamac goobe loo dhaariyay Xubin ka tirsan Baarlamaanka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Bashiir Goobe uu xilkaasi ka iibsaday Xildhibaan lagu magacaabi Jiray Qaasim Maxamed, waxa ayna wararku Tilmaamayaan in xilkaasi uu ka baxshay lacag kor u dhaafeysa 120,000$ oo dollar.

Bashiir Goobe, ayaa waxa uu ku fashilmay Hay’ada Nabadsugida Qaranka Somalia, waxa uuna xilkaasi ku iibsaday Hantidii uu kala soo guuray Qasnadaha Hay’adda Sirdoonka Somalia.

Lacagaha uu Bashiir Goobe ku iibsaday Xilkaasi, ayaa waxaa kamid ah Mushaarka shaqaalo ka tirsanaa Hay’adda oo aan xuquuqdooda la siin in kabadan Sanad, halka Ciidamo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Sudan ay iyaguna muddo 3-Bil ah ay shaqeynayaan Mushaar la’aan kuwaasi oo naftooda lagu haligo furumaha badi ay ka dhacaan dagaalada iyo Qaraxyadda.

Dhaarinta Bashiir Goobe ayaa waxa ay ka turjumeysaa qaabka ay Dowladda Xassan Sheekh u lunsanayaan Hantida Qaranka maadama uu Goobe lunsaday Hantida iyo Mushaarka shaqaalaha Dowlada.

Dhanka kale, waxa ay dadku is weydiinayaan waxa uu Bashiir Goobe kusoo biirin karo Golaha shacabka maadama uu lunsaday Hantidii shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com