Xasan Sh. oo waji gabax aan horay loo arag kala kulmay Xildhibaannada BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Illo wareedyo ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu maanta waji gabax aan horay looga baran kala kulmay Golaha shacabka xilli uu halkaasi ka jeedinaayay Khudbad uu kusoo xiraayay kalfadhigii 4aad.

Wararku waxa ay tilmaamayaan in Madaxweyne Xassan inta uu Khudbada jeedinaayay Xildhibaanada ay Xarunta ka sameynayeen buuq iyo sawaxan oo ay Wakhtiga uga luminayeen Madaxweynaha, iyadoona ay wararku intaa kusii darayeen in Xildhibaanada qaar ay Madaxweynaha weydiinayeen Su’aalo xiliga uu kalfadhiga xirmay.

Xassan Sheekh oo aan kalsooni xiligaani ka heysan Golaha shacabka, ayaa waxaa la sheegayaa inay madaxa lu xayeen goortii uu jeedinaayay Khudbad uu ku dafiraayay Lunsashada Hantida Qaran iyo damaca iibsashada qeyb kamid ah Badda Somalia.

Xassan Sheekh ayaa waxa uu walaac ka heystaa dhanka Xildhibaanada, waxa uuna Khudbadiisa ku soo qaatay wararka sheegaya Xildhibaanada kasoo horjeedo isaga, wuxuuna ka codsaday inaysan la soo degdegin Mooshinada iyo maja xaabinada ay wadaan, si loosoo afmeero waxa uu ugu yeeray Cadowda Dowlada.

Dhanka kale, waxaa maanta la arkayay inta uu kalfadhiga socday Xildhibaano saaxiib dhow la ahaa Xassan oo iyagu Salaanta iyo hadalka la baalmaray, waxaana la rumeysan yahay in Xassan uu Xildhibaanada qaar ku balaminaayay inay Caawa Villa Somalia, waxa uuna Xassan uu muujinaayay maanta walaacy ka heysta dhanka Siyaasada iyo Baarlamaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com