Xasan waa madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalka, sidaas waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaal dhaqameed ka qeybgalay kulan looga soo horjeeday maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha iyagoona ku eedeeyay in ay isku baheesteen in la beegsado beelo gaar ah oo deggan gobalka Shabeellaha Hoose.

Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Soomaaliya ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu wado barakicin uu ku hayo beelo gaar ah oo deggan gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in ay beesha caalamka u gudbin doonaan qoraalo muujinaya dhibaatada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay ku hayaan beelahaas sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu shegay oo kale Ugaaska in dalka Soomaaliya ay soo mareen madaxweynayaal balse madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud uu yahay madaxweynihii ugu xumaa ee soo mara dalka.

Wuxuu sheegay oo kale in marnaba aaney yeeli doonin in lagu tunto xuquuqdooda isla markaana ay diyaar u yihiin in ay dagaallamaan sidda uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayuu ka sheegay Ugaas Warsame Ugaas Cali Suuleey kulan ballaaran oo ka dhacay Muqdisho ayna ka qeybgaleen xildhibaanno, siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com