War ka cusub heshiis la sheegay inay P/L ka dhex waddo Barre iyo Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa muddo toddobaada ku sugnaa wafdi uu hoggaaminaya wasiirka caddaaladda Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Wasiirka caddaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame oo wafdigaasi hoggaaminaya ayaa beeniyay inay wadaan qorshe lagu heshiisiinayo Axmed Madoobe oo ah hoggamiyaha maamulka kumeel gaarkaa ee Jubba iyo Col. Barre aadan shire Bare Hiiraale oo horay ugu dagaalamay magaalada Kismaayo.

“Warka annigu xog kama hayo waxaan si kooban u leeyahay warkaa ma jiro, annagana howlo dhameystir shaqaaqoyin Kismaayo ka dhacay baan u jogna, eeuma joogo heshiisiinta Madoobe iyo Barre” ayuu yiri wasiirka caddaaladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame.

Ismaaciil, ayaa intaas ku daray in Puntland aysan xittaa ku fakarin inay sameyso dadaallada ceynkaas ah.

Puntland, ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid ka id ah caqabadaha ka jira Jubbooyinka, ayada oo Col. Barre uu horey ugu eedeeyey inay colaad ka hurineyso gobolladaas.

Waftigan ka socda Puntland waxaa lugu wadda inay maanta la kulmaan madaxweynaha maamulka Jubba,Sheekh Axmed Madoobe oo ay kala hadli doonan xoojinta wada-shaqeynta Puntland iyo Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com