Madaxweyne XASAN oo GABAR qurbo joog ah u magacaabay Korneel ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa wareysatay Zakiya Xuseen Axmed oo ah gabar qurba joog, da’deena ka yer 30-sanno taasoo loo magacaabay taliyaha xiriirka bulshadda iyo booliska Soomaaliya.

Gabadhan oo wax ku soo baratay waddamada Sweden iyo Britain ayaa sheegtay in xilkan uu u magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Kaddib markii la arkay in ay ka soo bixi karto.

Waxaa la weydiiyay cidda ku gacan siiyay in xilkan loo magaacabo, waxay sheegtay Ms. Zakiya in uu ku dhiirigaliyay taliyaha ciidamada booliska Jeneraal Cabdikariim Daahir Saacid, iyadoo sababta ku sheegtay markii uu arkay baahi loo qabo in xilkaas loo magacaabo Zakiya Xuseen Axmed.

“Arrintan waxaa gacan weyn igu siiyay oo igu qanciyay taliyaha ciidamada booliska Gen Saacid oo leh hammi weyn oo ah in uu isbadal xooggan ku sameeyo booliska oo wuxuu rabaa in dhallinyarada ay booliska soo galaan” ayey tiri Ms. Zakiya.

Waxay kaloo sheegtay in darajada Gaashanle loo siiyay maadama loo arkay in ay tahay gabar da’yer oo hami badan u leh xilkan waxbadana ku soo kordhin karta.

Waxay sheegtay oo kale in xilkan aan qaab qabiil iyo iyo qaraabo ahaan loo siiyay balse aqoonteeda iyo hamiga ay u lee dahay loo siiyay

Gabadhan loo magacaabay xilka taliyaha xiriirka bulshadda iyo booliska ayaa sheegtay in iyadoo ka shaqeen karta waddanka iyo hey’adda ay rabto haddana ay go’aansatay in dalka timaado kaddiba ka shaqeyso.

Waxay sheegtay intii ay joogtay Muqdisho in ay aragtay xiririka bulshadda iyo booliska in uu aad u yer yahay loona baahan yahay in la xoojiyo oo fursadaas ay qabato.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com