Xog cusub: Golaha wasiirada Somalia oo Isku shaandheyn lagu sameenayo

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu damacsan yahay in uu sameeyo isku shaandheen ku aadan golaha wasiiradda xukuumadiisa.

Waxay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay wasiiro ka mid ah xukuumadda hadda jirta ayaa daaqada ka bixi doona ama ugu yaraan xilalka loo kala badali doonaa.

Wasiiradda la aaminsan yahay in ay isbadal ku yimaadaan waxaa ka mid ah arrimaha gudaha iyo fedaraalka Cabdullaahi Goodax Barre, oo dhawaan si cad ah uga horyimid heshiiskii lagu mideeyay maamulada koonfur galbeed.

Arrinta ku saabsan isku shaandheenta waa mid taagneed wixii ka dambeeyay markii uu is casilay wasiirkii hore ee ammaanka Cabdikariim Xuseen Guuleed balse waxaa dib u dhigay markii ay soo baxeen khilaaf ku aadan maamul u sameenta gobalada dalka oo dowladda waxaa waqti badan ka qaatay siddii lagu mideen lahaa maamulada Koonfur galbeed oo laakin hadda mideentooda noqotay dhibaato kale oo dowladda ku soo kordha, oo mucaarad hor leh iyo maamul cusub ayaa dowladda ku soo baxay.

Sidda ay lee yihiin dadka warkan aan ka soo xiganahay si dhab ah looma oga maalinta ama xilliga la isku shaandheen doono golaha wasiiradda balse wasiir kasta oo xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed waa lagu wargaliyay arrintaas waxaana loo sheegay in uu shaqadiisa dardar galiyo.

Waxaa kaloo dowladda ay ku howlan tahay siddii xal looga gaari lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay aqoonsiga maamulka seddaxda gobal taasoo xittaa shaqooyinka dowladda oo ay ka mid tahay baarlamaanka dib u dhac ku keenay kulamadooda oo dhowr cisho kooram la’aan u baaqday.

Waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay wajaheyso dhibaato kale oo u baahan in la maareeyo haddii kalena wax badan curyaamin karta.

Labadii sanno ee dowladda fedaraalka jirtay waxaa laf dhuun gashay u noqday maamulka KMG ah ee Jubba iyo kan Koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com