War kasoo baxay beesha Habar-Gidir oo lagula hadlay maamulka PUNTLAND

War Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Gudigga Joogtada Jaaliyadda Habargidir – London, ayaa Hogaamiyaha Maamulka Puntland waxuu ugu Baaqay inuu ka tanasulo Hurinta Colaada u ka dhex abuurayo Beelaha nabadda jecel ee wada dega Goboladda Mudug.

Halkaan ka aqriso Nuxurka War-Saxaafadeedka.

JAALIYADDA BEESHA HABARGIDIR

LONDON

War Saxaafadeedkaan Lambarkiisu yahay: HL11/ 2014 ka soo baxay Xafiiska Gudigga Joogtada Jaaliyadda Habargidir – London.

  • Gudiga Jaaliyada Beesha Habargidir – London, waxuu dadka Soomaaliyeed intiisa badan la wadaaga arinta khal-khalka ku abuurtay Maamulka Puntland kuna tilaabsatay fal guracan ee ka horimarinaya Nabada guud ee Bulsho weynta Soomaaliyeed u baahantahay, gaar ahaan nabad ku wada noolaasha dadka deriska ee wada degan Gobolka Mudug.

 • Gudiga Jaaliyada Beesha Habargidir- London, waxuu Maamulka Puntland ugu baaqaya in ay ka tanasulaan xiisadaha dhalin kara iska horimaad colaadeed, kaas oo ka soo horjeeda rabitaanka Bulshada Nabadda jacel, degaankaa Mudug wada degta.

 • Gudiga Jaaliyada Habargidir- ee London, waxaay Maamulka Waqooyiga Galkacyo xasusineysaa in ay iska ilaaliyan mirfaha keeni kara Xanaf Colaaddeed iyo Isfaham la’aan, kuna badalaan Jawi Isfahan iyo nabad ku wada Noolaasho.

 • Ugu dambayn, Gudiga Jaaliyada Habargidir ee London, waxuu Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, IGAD iyo Damaan Beesha Caalamka ka Codsanayaa, inay dhagaha u furaan Baaqaan, tixgaliyana oo taageeraan ujeedada Nabadeed ee u xambaarsan yahay Warsaxaafadeedkaan.

Gudigga Joogtada Beesha Habargidir – London.  02.10.2014