Kulan ay beelaha Hawiye yeesheen oo war aan fiicneyn uu ka helay Xasan Sh

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir muhiim ah oo ay ka qeyb galeen aqoonyahanno, odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beelaha Hawiye, ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Cabdullahi Geedi Shadoor oo ka mida ahaa xildhibaanadii KMG ka ahaa kasii horna ahaa oday dhaqameed caan ka ahaa gobolada dhexe iyo Banaadir ayaa ka hadlay kulan xubnaha dhaqanka iyo aqoonyahanku ay su’aalo ku weydiinayeen qaar kamid ah Xildhibaanada beesha Hawiye uga jira Baarlamaanka Soomaaliya.

Su’aalaha ayaa u badnaa qaab dhismeedka gobollada dalka iyo sida ay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh u wajahday qaab ay beesha Hawiye sheegtay inay aad ugu xaqiran tahay uguna dulman tahay qorshaha Damu-Jadiid oo dhan.

Waxay si gaara diiradda ugu saareen kulankooda shirka Kismaayo, xiisadda Galkacyo, abaabulka Baydhaba ka socda IWM oo ay sheegeen in ay dhamaantoodba yihiin wax dhegta loogu sheegay ama loo yeeriyay Xasan Sheekh, uusanna ku matalin waxa noocaasi ah .

Siyaasiyiintii beesha Hawiye ee meesha ka hadlay, waxay si cad ugu sheegeen Hawiye intiisa kale inay kala mid yihiin waxa ka socda VILA SOMALIA, go’aanka uu Hawiye ka qaatana ay ku gowracan yihiin.

Kulamadan ayaa waxa ay yihiin kuwo waji cusub u sii yeelaya xiisadda siyaasadeed ee ka dhax oogantay Ra’isul wasaare Cabdi Weli iyo Madaxweyne Xasan oo u muuqata inay lugaha lasii galeyso kala jiidashada xaga beelaha saameynta ku leh magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxay shirarkani boog wajiga kaga taalla ku noqotay Madaxweynaha oo siyaasiyiin ay isku beel yihiin shirka ay ka dhex muuqdeen sida Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble Cali oo ahaa hormuudkii mooshinkii dhicisoobay ee isaga ka dhanka ahaa inkastoo arinkooda markii dambe loo galay qaab beeleed hoose iyo xilal la siiyay sida Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe oo looga dhigay qasnajigiisii gaarka ahaa Cali Guudlaawe.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Xildhibaan Cumar Finish oo ay iskula dhaceen Xasan kuna kala fogaadeen xiisadii ka dhalatay weerarkii Degmada Wadajir ay ku qaadeen Maleeshiyada Ruuxaanta Damuljadiid iyo ciidamada Amisom, laguna xiray Axmed Daaci, gudoomiyihii hore ee degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com