Khilaaf ka taagan Garoonka KISMAAYO iyo maamul uu A/Madoobe sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose, ayaa sheegaya in Muran xoogan uu xiligaani ka taagan yahay Garoonka Kismaayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in muranka xoogiisa uu yahay mid ka dhashay kadib markii uu Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe uu Todobaadkaani magacaabay maamul cusub dayuuro dageenka Kismaayo.

Magacaabista iyo murunka Dekada, ayaa waxa uu ka turjumayaa in Axmed Madoobe uu ka beeray Heshiisyadii ka dhacay Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo u dhexeeyay DFS iyo Maamulka Jubba, waxa ayna arrintaasi caddayn u tahay inaan maamulka dakadda iyo dayuuro dageenka lagu wareejin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wararku waxa ay tibaaxayaan in Muranka Garoonka uu yahay mid salka ku haaya Awood qeybsiga beelaha degan Gobolada Jubbooyinka, iyadoona Axmed Madoobe uu gabi ahaan xilalka maamulkaasi ku safay Rag ay ehel wadaagan.

Muranka ayaa ah mid salka ku hayo dhaqaalaha iyo qaabka loo shaqo galiyo shaqaahaha, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in dhaqaalaha ugu badan iyo kala qeybsiga shaqaalaha uu yahay mid ay isla fahmeen Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa.

Dhanka kale, warqado ay ku qoran tahay dacwooyinkaasi, ayaa waxa ay soo gaaren xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka, iyadoona beelaha awoodahaasi isku heysto ay Jawaab ka sugayaan Ra’isulwasaaraha Dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com