Maxaa ka haray qabashada BARAAWE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xili dhaq dhaqaaqyo ciidan laga soo sheegayo degaano katirsan gobolka sh/hoose islamarkaana inta badan dadka ku dhaqan hareeraha degmada Baraawe ee gobolkaas ay bilbabeen in ay isaga barakacaan halkaas ayaa Taliska AMISOM masuliyiin u hadlay waxa ay shegeen in saacadaha soo aadan ay la wareegi donaan degmadaas.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah maanta Muqdisho ugu qabteen siihayaha ergeyga Midowga Africa ugu qaabilsan Arimaha Somalia,Taliyaha ciidanka milatariga ee Amisom iyo Taliye kuxigeenka police-ka Amisom ayaa waxa ay faahfaahin kabixiyeen howlgalada ciidankooda ay kawadaan qaar kamida gobolada dalka Somalia.

Taliyaha ciidanka milatariga ee Amisom Silis Ntaguru ayaa shegay in ciidanka amisom ay qarka u saaran yihiin magaalada Baraawe waxa uuna sheegay in saacadaha soo aadan ay lawareegi doonaan gacan ku heynta magaaladaasi.

Taliye kuxigenka ciidanka police-ka ee Amisom Benson Meyko oo isna hadlay ayaa carabka ku dhiftay in deegaanadii dhawaan ay ciidanka dowlada iyo Amisom lawareegeen lageyn doono ciidan police ah oo ka socda Amisom si buu yiri loo sugo amaanka deegaanadaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com