War xasaasi ah oo kasoo baxay Xaaf iyo loolan adag oo ka billowday Cadaado

Cadaado (Caasimadda Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay inay Magaalada Cadaado la ciir ciireyso Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo ciidan la sheegay in laga soo diray Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay arrintaan dhaawaceyso kulankii uu Madaxweynaha  Soomaaliya iclaamiyey 28 Bishaan inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho kaasoo ay isugu imaanayaan madaxda Maamul Goboleedyada.

War  Saxaafadeedka kasoo baxay madaxweynaha Galmudug ayaa u qornaa Sidaan:

“Tan iyo markii uu fashilmay In qilaabkii la damacsanaa in lagu minjaxaabiyo xilkana looga qaado Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa jiray farsamooyin hor leh oo  ay adeegsanayeen xubno qaswadayaal ah oo ku ganbanaya magaca xukuumadda, iyadoo ay ku dhex socotay martiqaad uu u fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dowlad Goboleedka xubnaha ka ah DFS, si looga wada xaajoodo tabashooyin ay Dow. Goboleedyadu ka muujiyeen hanaanka wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo D/Goboleedyada, ka dib markii ay ku shireen Kismaayo horaantii bisha Oktoobar/2017ka.

Waxaa nasiib darro iyo lama filaan ah in xubnaha aan kor kusoo sheegnay ay wali ku wadaan debandaabyadii ay kula dhaqmayeen Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo ay ku soo qul¬qulayaan Cadaado shaqsiyaad aad u adeegsanaya dhaqaale oo kaambayn siyaasadeed ka wada. xildhibaano laga soo tashkiiliyay Muqdisho , dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareermayo Cadaado iyo adeegsiga Maxkamadda Sare ee DFS oo gal dacwadeed ladaba socota Madaxweynaha DGGM, taas oo Maamulka Galmudug horay uga jawaabay dacwadaas in aanay xaq u lahayn qaadisteeda Maxkadda Sare ee DFS, balse haddii ay jirto dacwadaas ay xaq u leeyihiin hay’adaha garsoorka Galmudug. Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa ka dhalatay kalsooni darro iyo muuqaal ah in weli ay socoto dhibaatadii ay qaswaciayaashu ku hayeen Dowlad Goboleedka Galmudug.

Haddaba, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Gudoorniyaha Golaha Sharcidejinta Baarlamaanka FS, Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya, Golaha lskaashiga Dowlad Goboleedya DFS iyo dalalka aan saaxiibada nahay ee daneeya arrimaha Soomaaliya, waxaan ka codsanaynaa in culayska saaran Galmudug laga qaado si ay noogu suura gasho inaan kasoo qayb galno shirka loo ballansan yahay 28ka Oktoobar 2017ka.