Muxuu salka ku hayaa dagaalka ay Idaacadda Shabelle ku hayso Axmed Washington?

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa maalin kasta idaacadda Shabeelle ee caasimadda Muqdisho ka dhageysta warar eedeyn iyo olole dembi u yeelid joogto ah oo ku saabsan shaqsiyadda maareeyaha dekadda Muqdisho.

Wararka ay idaacadda ka baahiso Maareeyaha dekadda Muqdisho Axmed Maxamed Washington ayaa ku saabsan olole ay idaacaddu furtay oo ku saabsan inuu ka dambeeyay xariga muwaadin Soomaaliyeed oo sanado badan ku xirnaa dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Xaashi Cumar Xasan oo muddo dheer kadib laga sii daayay xabsi ku yaalla Talyaaniga.

Eedeymahaas ma jirto wa caddeyn ah oo loo hayo inuu ka dambeeyey Axmed Washington ama xittaa uu wax xiriir ah la leeyahay arrintan.

Ololaha Idaacadda Shabeelle ku heysto Maareeyaha cusub Dekadda Muqdisho ayaa  lagu ogaaday inuu yimid kadib markii milkiilaha Idaacadda C/maalik Yuusuf iyo Maareeyaha ay isku afgaran waayeena arrimo dhaqaale oo uu weydiistay, taasoo kentay.

Idaacaddan ayaa war kasta oo ay ka baahiso maareeyaha ka dalbanaysa in dowladda Federaalka inay xilka ka qaado Maareeyaha Dekadda oo ay ku sheegtay dembiile, iyadoo Maalinta kasta uu safka hore ku jiro wararka idaacadda oo lagu wareyso shaqsiyaad ku eedeynaya maareeyaha inuu ka danbeeyay xariga Xaashi Cumar Xasan.

Idaacada Shabeelle ayaa hore olole noocan oo kale ah ugu qaaday mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen: Duqii Hore ee Muqdisho Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), Wasiirkii hore ee Amniga C/kariin Xuseen Guuleed, Taliyihii NISA C/raxmaan Tuuryare iyo mas’uuliyiin fara badan.

Waxaa si weyn loo xusuustaa taariikhdii dhex martay Duqii hore ee Muqdisho Mudane Tarsan oo  fagaarayaal ka sheegay in milkiilaha idaacadda Shabeelle ka danbeeyo ololaha lagu beegsaday.

Dhageyso jawaabtii Tarsan ka bixiyay weerarkii ugu weynaa ee idaacad ku qaaday mas’uul.

Xigasho: Goobjooge.com