Xog Dheeri ah: Rabshado khasaaro geestay oo ka dhacay Seylac

Seylac (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Seylac, rabshado maanta ka dhacay halkaas waxa ku dhaawac inta la ogyahay illaa 12-qof.

Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ka qaybgalayeen dibad bax ka dhacay magaalada, kuwaasoo markii dambe isku badalay isku dhacyo dhexmaray dadka reer Seylac iyo ciidamada maamulka Somaliland.

Rabshadaha ayaaa la sheegay in ay salka ku hayaan kaddib markii dad ka cabanayay natiijooyinka doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dhacay Somaliland ay bannaanbax ka sameeyene magaalada, kuwaas oo markii dambe isku gadaamay xarrunta dowladda hoose ee magaalada Saylac.

Markii rabshadaha ay cirka isku shareereen waxa ciidamada maamulka Somaliland ay u adeegsadeen dadkii dibad baxa dhigayay  rasaas, si ay u kala eryaan.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ayaa loo qaaday Isbitaalada waddanka Djibouti sida ay lee yihiin dadka ku sugan Seylac.

Waxa kaloo xiray xadka Djibouti ay la wadaagto dhinaca maamulka Somaliland, waxa maanta gabi ahaan istaagay gaadidkii aadi jiray dhinaca dalka Djibouti.

Horrey ayaa rabshado dad ay ku dhinteen kuwa kale ay ku dhaawacmeen waxay ka dhaceen magaalada Hargeysa, taasoo daba socotay doorashadii golayaasha hoose ee ka dhacday labo bil ka hor deegannada Somliland.

Ciidamo xooggan ayaa magaalada Seylac loo diray, waxana lagu soo waramayaa in xaalladda ay deggan tahay laakin wax bandow u eg ay ka jirto magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa