Turkey oo ballan qaad kale oo muhiim ah u sameysay Somalia

Ankara (Caasimada Online) Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u tababari doonaan dhaqaatiir heer taqasusi ah oo ka shaqeeya isbitaalada ku yaalla dalka.

Howshan ayaa la sheegay in la billaabi doono bisha March ee sannadkan 2013-ka waxana uu qayb ka yahay siddii Soomaaliya horrumar uga gaari lahayd adeegyadda caafimaadka, maadama dalka uu ku jiro dagaal sokeeye.

Wasiirka horrumarinta iyo addeegga bulshadda xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim oo iyadoo ku sugan dalka Turkiga la hadleysay saxaafadda ayaa sheegtay in Soomaaliya aysan hilmaami doonin Turkiga waxyaabaha uu qabtay.

Wasiiradda ayaa sheegtay in xiriirka saaxibtinimo ee Soomaaliya iyo Turkiga uu soo billowday qarnigii 15-aad.

Iyadoo intaas ku dartay in carruurta Soomaalida la bari jiray hoggaamiyaha waddanka Turkiga , sida Sultaan Maxamed Faatix.

Mrs. Qaasim ayaa sheegtay in wiil ay ayeeyo u tahay uu bartay hoggaamiyaasha waddanka Turkiga.

Wasiiradda ayaa u mahadcelisay xarunta Deva Hospital, taasoo sheegtay in dhowr dhaqtar oo Soomaaliya ka socda hadda tababar lagu siinayo dalka Turkiga.

Ugu dambeen wasiirka ayaa sheegtay in Soomaaliya ay dib u soo dhalatay taasoo ay ka fileyso in dadka Soomaalida ka caawiyaan siddii horrumar u gaari lahaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara