DF iyo hay’adda MSF oo qoorta isugula jira arrin ka dhacday Muqdisho.

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda MSF ayaa warbixin ay soo saartay, waxa ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay soo cadeeyso qaabka loo sii daayay nin la sheegay in uu ka dambeeyay dilka labo ka mid ah shaqaalahooda oo bishii December sannadkii 2011-kii lagu dilay Muqdisho.

Madaxa howgalada MSF Mary Nicolay ayaa u sheegtay VOA –da in ay arrintaas walaac ku heyso.

“ Illaa hadda arrinta sida ay u  dhacday cid noo sheegtay ama nagu soo wargalisay ma lahan sida ay saxaafadda u maqashay ayaan annagana u maqalnay, waxa ay ahayd arrin uu mugdi ku jiro sii deesmada iyo waxa dhacay” ayey tiri Ms. Nicolay.

Iyadoo intaas ku dartay in masuuliyiinta dowladda aysan dhayalsan arrintan oo ay hadda baaraan.

Mar la weydiiyay in dowladda ay u sheegtay arrintan sida ay ka yeeli doonto , waxa ay tiri:-

“Maya cid ka tirsan dowladda Soomaaliya oo arrinkan si rasmi ah noo ogeysiisay ma jirto, sidiina oo kale ayaan warkan ka akhriyay shaley warbaahinta, gaar ahaan in guddoomiyaha maxkamadda sare Soomaaliya Ceydiid Ilka Xanaf  uu baarayo arrinka si dhab ah oo isku dayaayo in uu wax kala cadeeyo, waana soo dhaweyneynaa arrintan maxaa yeelay waxaan aad ugu jahwareenay in qof dambi lagu helay haddana la sii daayo iyadoo aan la sheegin sababaha ka dambeesa in la sii daayo” ayey markale sheegtay Mrs. Nicolay.

Waxa kaloo la weydiiyay iyadoo hey’addooda baaritaan ku sameesay shilka in ninka loo soo qabtay uu yahay ninkii falka sameeyay oo dilay labo ka mid ah shaqaalihiina?

Waxa ay ku jawaabtay “Ruuxa la qabtay waxa la xiray isla maalintii uu dilka dhacay, waxana laga dhex qabtay dhismaha hey’addu dagganeed isagoo ku lug lahaa rasaas ka socotay dhismaha dhexdiisa, marka waxan oggeyn in la xiray, kaddibna lagu helay dambigii uu ku eedeesnaa isla markaana la sii daayay marka arrinta waan ku jahawareenay arrinkan”ayey sheegtay markale madaxa howlgalada MSF.

Ugu dambeen waxa la weydiiyay si uun in ay ugu lug yeelatay sii deenta ninka shaqadii ay ka hayeen Soomaaliya?Waxa ay tiri : “ Aad baan uga walaacsanahay in qof lagu helay dambi ah in dilay shaqaalaheena rag ka mid ah haddana la sii daayo, marka arrinkan walwal weyn ayuu nagu hayaa, aan ku celiyo waan soo dhaweyneynaa dowladda Soomaaliya in arrinkan ay si dhab u eegeeso oo ay baareyso”

Mar ay ka hadashay waxa ay jeclahaayeen in dowladda sameeso ayey sheegtay “ In dowladda caddeeso qof dambi lagu helay haddana la sii daayo, waana howl dowladda sharci ahaan u taalla, waxana ay ahayd in ay dabagasho oo annaga aan wax ka oggaano sida lagu sii daayay ninka, maxaa yeelay xaallada ma ahan mid la dhayal san karo, waa xaallad jahawareer leh.”

Si kastaba hadalka MSF ayaa ku soo beegamaya iyadoo shaley maxkamadda sare ee dalka shaqada ka ceyrisay seddax ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda kuwaasoo la sheegay in ay ka dambeeyeen sii deenta nin lagu xukumay 30-sano oo xarig, kaasoo ka dambeeyay dilka labo nin oo u kala dhashay waddamada Indonesia iyo Belgium oo lagu dilay Muqdisho.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi