Warar ka cusub ciidamadii maamulka Puntland ee isku horfdhiyey deegaanada gobolka Nugaal!!

Garoowe (Caasimada Online) – Xilli cabsi weyn laga qabo dagaal ka bilowda gobolka Nugaal ayaa qaar kamid ah culimaa’uddiinka Puntland waxay kala dhex galeen ciidamada uu hoggaaminayo Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ee ku sugan duleedka degmada Qarxis iyo ciidan kale oo dowladdu u dirtey inay Gen. Muxiyadiin soo qabtaan.

Sheekh Axmed Daahir oo hoggaamineyey wafdiga culimada ayaa sheegay inay lasoo kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan islamarkaana labada dhinacba ballan qaadeen inaysan wax dagaal ah qaadi doonin.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dhaqanka iyo mas’uuliyiinta ugu sarreysa Puntland inay xaaladda soo fara geliyaan, si looga baaqsado dagaal halkaas ka dhaca.

Ciidamo uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee ciidamada booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa labo maalmood kahor u ruuqaansadey dhanka degmada Eyl, kadib markii dowladdu magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso kasoo dirtay ciidamo boqollala gaaraya oo ku hubeysan ku dhowaad soddon gaari, si ay xoog ugu muquuniyaan Gen. Muxiyadiin iyo ciidamadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com