3 arrimood oo ragaadiyay rajadii Puntland ay ka qabtay inay horumar gaadho (Warbixin muhiima)

Si xad dhaafa ayay shacabwaynaha Puntland usoo dhaweeyeen markii uu ku guulaystay Hogaanka Madaxwaynaha Puntland nin dhalinyara ah oo´mutacalim ah, waxaana markiiba dadbadan soo galay hami aad u baaxadwayn oo markaas ay shacabkii is yiraahdeen maantay idiin dhalatay riyadíi aad sugayseen in muddo ahba.

Hadaba in Riyadaas ay suuroobi waydo 3 arrimood ayaa loo badinayaa in ay ugu baaxad waynyihiin .

1) Mida koobaad waxaa masuuliyadeeda leh Madaxwayne Gaas, kadib markii uu Talo keen ka dhigtay shakhsiyaadkii durbaanka u garaacayay markii uu tartanka ugu jiray Hogaanka sare ee Puntland, tani oo dadkii oo dhan amakaag ku noqotay.

Dr Gaas ayaa jagooyinka ugu sareeya Puntland u magacaabay dhamaan asxaabtii durbaanka u garaacatsay xiligii uu musharaxa ahaa, tani oo meesha ka saartay wixii laga filayay Prof Gaas, waxaana aad loola yaabay sida aannu haba yaraatee dadkii Qadiyada aqoonta iyo waaya arragnimada u lahaa Hogaaminta aannu talo iyo tusaale mídna ugu dhiibin, dhamaan Jagooyinka uu magacaabay ayaa ku salaysnaa dadkii uu sida shakhsigaa uga heleyay ama isugu halaynayay nin walbaa siduu rabo ha u fasirto waa arrin xaqiiq ah, inkastoo ay jagooyinka qaar beeluhu soo xusheen hadana waxay ahayd in aannu beelaha dhag jalaq u siin ee jagooyinka loo tartansiiyo dadka loo dhiibayo.

Waxay ahayd in uu jago kasta marka uu magacaabayo u xusho Gudiyo lagu yaqaan cadaalad iyo karti ay ugu soo xulaan ruuxa jagadaas qabanaya in uu leeyahay karti aqooneed mid waayo arragnimo iyo ruux leh qadiyadeed iyo daacadeed.

Waxaana aad loola yaabay ashkhaasta uu Madaxwayne Gaas Madaxtooyada ku wareejiyay oo aannu ku jirin hal ruux oo tacliin sare haysta balse u badan kooxihii xiligii doorashada durbaanka u garaacayay, hadaba halkaas ayaa noqotay meesha uu Gaas qaladka ugu wayn ka raacay waayo ma aannu xulan labeentii Puntland ee wuxuu xushay dadkii uu shakhsiyan u garanayay (afeef atni ma ahan mid aan ku durayo Prof Gaas iyo taageerayaashiisa ee waa mid aan is leeyahay wax ha ku saxmeen).

Waxaa kaloo ay ahayd in uu Gaas awoodda saaro sidii loo xoojin lahaa nidaamka (systemka) dawladnimo ee Puntland waliba dhanka sharciyada in uu awoodda saaro, sida dhisidda Maxkamaddii Dastuurka, Taabagalinta Maxkamadda Cadaaladda iyo sidii uu Sharcigu uga sarayn lahaa waxwalba, oo uu jiraa ruuxa Puntlanderkaa Sharci ka dhigaya ruux Puntlander ah, si qabiilka meesha looga saaro, waxaanad mooddaa in aynan xukuumadda Gaas arrinkaas xil iska saarin marka laga reebo hadal afka baarkiisa ah.

2) Qaybta labaad ayaa eedeeda waxaa leh dhaqanka iyo caadada shacabka Puntland oo lamid ah midka dhamaan Soomaalida oo dhan ay dhaqanka ka dhigteen kaas oo ah, in ayna shacabka tiradaba ugu jirin qaabka xukuumadaha loola xisaabtamo.

Markii Gaas la doortay runtii wuxuu ahaa nin doonaya in horay loo dhaqaaqo, laakiin shacabkii baa meel walba mashxarad iyo sacab la taagan, arrinkaan oo badankiisu ah qaab laaluush ah oo shakhsi kastaa uu doonayo in sacab iyo been been wax lagu siiyo, bal u fiirso marka uu Gaas dhoofayo iyo marka uu soo laabanayo sida ay ugu sacabinayaan, iyo sida ay waxwalba uga sugayaan Gaas.

Ruuxkastaa wuxuu isleeyahay adiga JagoSare halaguu magacaabo, jagadaas oo aannu lahayn aqoonteed iyo kartideed, marka waa qaab khiyaano iyo laaluusha, waayo way sahlantahay in aad jago ku heshid sacabtumid iyo qosolqosol, laakiin in uu ruuxu shaqadiisa iyo kartidiisa ku doonto waa ay adkaanaysaa waayo waa lala tartamayaa, tartankana waxaa ku guulaysanaya ruuxa ugu shaqada badnaa markii uu ruuxa la tartamayaa hurday ama makhaayadaha turubka ka ciyaarayay, ama illaahay hibooyn u gooniya u siiyay booskaas loo tartamayo ruuxa tartanka kaga guulaysta kuwa kale.

3) Arrinka sadexaad ayaa ah dhanka Resource (waxyaalaha lamanaafacaadsado) sida matalan Puntland oo aan lahayn illo dhaqaale oo dadkii badankiisu uu shaqo la aan yahay, isla markaana aynan dadku lahay xirfado aqooneed, iyo abaaro dabiiciya, Mushaaraadka oo aad u yar, maciishadda oo aad sare ugu kacday iyo system ama nidaam dawladeed oo sharcigu kasareeyo waxwalba oo aan ka hirgalin.

Waana arrin dabiiciya marka ay xaaladahaas jiraan in lagu dagaalamo xoogaaga yar ee Resource (Wixii la manaafacaadsanayay) waana sababta ay wadamada reer Galbeedkaa waa hore ay u ogaadeen arrinkaan ay u yiraahdeen aan laba xaaladood midkood ku noolaano.

Sustainable living (qaab nololeed waaraysa oo qofwalbaa uu ku noolaanayo nolol degan) ama Natural Living (U noolaasho habka dabiicigaa ee aad marwalba wajahaysid wixii kula kulma)
Sustainable living (qaab nololeed waaraya oo qofwalbaa uu ku noolaanayo nolol degan)= Hadaba mowduucaan ayaa aad u ballaaran laakiin qaybta ugu muhiimsan ayaan ku eegaynaa; niman Philosophers ah ayaa aad uga faalooday arrinkaan oo sheegay in haddii waxa la manaafacadsanyo ay yaraadaan in markaas aynan hurayn in la isku dagaalo wixii la manaafacaadsanayay maadaama ayna bulshada ku filayn wixii la manaafacaadsanayay, waxaana kamid ah tusaalooyinkaas matalan haddii dhul savanna ah ama dhul siman oo dhulka cawska leh sida Kenya iyo Soomaaliya ay Ugaar badani marka hore ku taranto, oo markaas ay meeshii yimaad xayn Libaaxyo ah, libaaxyadaas waa saaxiibo xiligaas barwaaqadaa waayo waxay haystaan ugaar ku filan, laakiin marka ay Libaaxyadii tarmaan oo bataan, waxaa imanaysa in ay quutaan ugaarta badankeedii waxaana imanaysa xili ugaartii la manaafacadsanayay ay yaraato Libaaxyadiina bataan, Xiligaas isaga ah waxaa khasaba in Libaaxyadii ay is kooxaystaan maadaama ugaartii yarayd aynan dhamaan libaaxyada ku filayn oo ugaartii la isku dagaalayo waxaa imanaysa in aan la hurin in libaaxyadii is dagalaan, marka hal libaax waxba iskama dhicin karo, waa in uu jiraa is kooxaysi iyo in libaaxyadii qabiilo noqdaan si libaaxu uu gabaad iyo difaac uga helo qabiilkiisa marka ay timaado in la is weeraro, aakhirkana waxaa imanaysa in ugaartii aad u yaraato, waxaana ku xigaysa in libaaxyadii uu dagaallo ba ani dhexmaraan, illaa libaaxyada intooda badan laga takhaluso marka laga reebo in yar Illaa aakhirka marka danbe ay ugaartii aad u yaraato, Libaaxdiina ayba baahi iyo colaad u dabar go aan, xiliga ugaartu yaraato waxaa aad u kobca Cawska iyo dhirta waayo waxaa ka yaraanaya cagtii iyo cuniddii, marka Dhirtu badato waxaa imanaya roob badan waayo dhirta ayaa Roobka soo jiidata (Hab nololeedkaan ayaa layiraahdaa Natural living) ama u noolaasho habkii dabiiciga ahaa ee illaahay ugu talagalay.

Marka Dunida reer galbeedka ayaa waxay is tuseen in ay dhici karto in ay u noolaan karaan hab ama qaab la yiraahdo Sustainable living (nolol waaraysa oo aan colaad lahayn) si markaas taas loo gaaro ayay yiraahdeen waxaa loo baahanyahay waa in aan awoodda saarnaa in ay dadka meeesha dagan iyo waxa la manaafacaadsanayo ay bataan waxa la manaafacaadsanayo, marka waa in sheekada hoos laga soo bilaabo oo Aabbe kastaa iyo Hooyo kastaa Habeen iyo maalinba shaqeeyaan, isla markaana reer walbaa dhalaa ubad aan ka badnayn Hal ama labo, si markaas aan u noqono bulsho nolol fiican gaadha ee aan isku dagaalin wixii la manaafacaadsanayay.

Matalan Finland 1950 dadkoodu wuxuu ahaa 4 million halkaan ka eeg 60 sano kadib Finland waxaa ku kordhay hal million, halka matalan Soomaaliya 1950 ay shacabkoodu ahaayeen 2 million maantana lagu qiyaaso dhowr iyo toban million halkaan ka eeg

Wadamada reer Galbeedku arrinkaan waxay fahmeen xilli boqol sano laga jooggo, waagaas ayayna billaabeen harjadka nolosha isla markaana waxay ogaadeen in noloshu kasoo bilaabato qoyska oo qoyskastaa ay barbaariyaan ubad aqoon ku filan leh, isla markaana meel loo dhigay hanti fiican oo uu ku shaqaysto marka uu qaangaaro, ilma kasta waxa uu leeyahay Hooyo aqoon buuxda leh, hanti fiican leh, ilma kastaa wuxuu helay barbaarin aad u tayaysan oo si fiican looga soo dhisay dhanka aqoonta iyo dhanka jirka (physical), wuxuuna leeyahay awoowe iyo ayeeyo hanti iyo aqoon leh, wuxuuna leeyahay fursado aad u farabadan oo dawladiisu u diyaarisay, waxaana ay taasi meesha ka saartay in dalka uu ka dhaco wax qulqulada ama dagaala maadaama qofkastaa uu haysto nolol ku filan, waxaana intaa u dheer in ay samaysteen Nidaam cadaaliya oo dadku ay illaashadaan oo sharcigu ka sareeyo cidwalba, oo aan markan sharciga lagu xadgudbin waxkasta oo dhaca waxaa laga qadariyaa sharcigii umaddu ku heshiisay, shacabka ayaa aad ula xisaabtama xukuumadooda oo dabagal aad u saraysa daba dhiga, waxaana intaa dheer in ruux walbaa uu masuuliyad iyo xil iska saaro in uu kasoo baxo qaybta bulshada uga aadan oo uu ka qaybqaato waxsoo saarka dalka

Isku soo duub Qaybtaan waa qayb ka mid ah waxyaalaha muhiimkaa ee Bulsho ay ku samaysato nolol degan oo waarta oo aan walwal lahayn, laakiin waxaa kale oo u dheer dalalka reer Galbeedkaa waxyaalo kale oo aad u farabadan oo iyana u sahlay in ay horumaraan, halka aynan fursadahaas helin wadamada soo koraya, laakiin in marba qaybahaas kala duwan ee ay bulsho ku horumarto marba mid la dul istaago waa muhim.

Afeef Fadlan waxaan ka codsanayaa dhamaan inta qoonsataa in ay iska kay cafiyaan anniga wax sixid bay iga tahay, runtiina dadka sida xad dhaafkaa Gaas u soo dhaweeyay baan ku jiray

Diyaariye Ibrahim Sh Maxamed Gablax

gablax@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid