25.2 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Wararkii u dambeeyay ee diyaarada Ethiopian Airlines ee burburtay laguna la’day

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Adis Ababa (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee kasoo baxaya magaalada Bishoftu oo 60km u jirta caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaya in aysan jirin cid ka badbaaday shilkii diyaaradda ee saakay halkaas ka dhacay.

Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa goobta kusii wajahan, iyada oo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay maqleen qarax aad u weyn, meeshana uu ka dhashay holac la damin la’yahay.

Dadka diyaaradda saaran ayaa u kala dhashay 33 jinsiyadood, balse weli lama hayo diiwaanka magacyada, inta lab ah iyo inta dhedeg ah, iyo waliba carruur.

Diyaarada ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 157 ruux, oo 8 kamid ah ahaayeen shaqaalaha diyaaradda.

War ka soo baxay shirkadda Eithiopian Airlines ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin qof ka badbaadey shilka diyaaradeed, islamarkaana ay dhinteen dhamaan dadki saarnaa oo kasoo kala jeeda 33 dal.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa ku dhacday meel u dhaw magaalada Bishoftu oo 60-KM u jira magaaladda Addis Ababa saacaddu markii ay ahayd 8:44 daqiiqo waqtiga Geeska Africa .

Diyaaradda ayaa kasoo duushay Garoonka diyaaradaha Bole International Airport 8:38 subaxnimo, iyadoo lumisay xiriirka kahor inta aysan burburin 6 daqiiqadood kadib markii ay hawada gashay.

Ra’iisul Wasaaraha Eithiopia Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka hadlay shilka diyaaradeed, iyagoo tacsi u diray eheladda ay dadkooda ku dhintay musiibadda.

Illaa hadda lama shaacin sababta ka dambeysa burburka diyaaradda, balse Shirkadda Eithiopian Airlines ayaa sheegtay inuu socdo baaritaan, islamarkaana ay u dirtay goobta Koox khubarro ah.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News