Taariikhda Xoosh Jabriil: KHABIIR la tebi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad sida Meydka Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibiil ayaa maanta ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana aas Qaran oo lagu maamuusayo marxuumka loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Salaadda Janaasada ayaa lagula tukaday marxuumka garoonka Aadan Cadde, waxaana ka qayb galay Guddoomiya Aqalka Sare Guddoomiayaha ku-xeegnka labadaad ee Golaha Shacabka, Ra’iisul wasaaraha XFS,guddigii loo xilsaaray Qaban-qaabada aaska qaran ee marxuum Xoosh oo kala ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, waxbarashada, Warfaafinta, Kalluumeysiga iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha Dastuurka, Mas’uuliyiin kale qaar kamid ah Culumaa’diinka Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo dadwayne farabadan.

Waxaa maydka marxuumka lagu aasay qabuura ku yaalla dhabarka dambe Isbitaal Madiina.Marxuum C/raxmaan Xoosh wuxuu ahaa shaqsi karti badan kuna sifoobay dal jacayl,isagoo aqoontii uu bartay uga faa’ideeyay dalkiisa iyo dadkiisa.

Taariikh nololleedkaMarxuum EX. Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil

Marxuum Cabdiraxmaan XooshJabriil wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, 25-kii bishii Juun ee sannadkii 1956-dii Waxbarashadiisii dugsiyada hoose,  dhexe iyo sareba wuxuu  ku soo qaatay magaalada Jowhar ,kadibna wuxuu magaalada si uu u guto tababarkii Xalane iyo Shaqadii Qaranka,Bartamihii todobaatameeyadii wuxuu aaday dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya halkaasi oo uu dhowr sano ka shaqaynayay, wuxuuna uga sii gudbay dalka Kanada,

Marxuum Xoosh wuxuu shahaahada heerka koowaad ee cilmiga bulshada ka qaatay Jaamacad ku taalla Kanada, kadibna wuxuu shahaadadiisa masterka ka diyaariyay Culuumta sharciga, wabarashadiisii kadib  isla dalka Kanada ayuu ka bilaabay Shaqooyin la xiriira dhinaca sharciga isago can ku ahaa gacan qabashada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi qaxootinimada ku taga.

Sannadkii 2011-kii ayuu dalka dib ugu soo laabtay,isla sanandkaas  waxaa loo magacaabay Wasiirkii Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladdii KMG ahayd, xilkaas waxa uu hayay ilaa sannadkii 2012-kii wuxuuna gacan libaax ka qaatay ka gudbidda Axdi Qarameedkii lagu shaqeynayay, waxaana wasaaraddii Dastuurka ee uu madaxda ka ahaa marxuum wasiir Xoosh ku guuleystay in la sameeyo Dastuurka KMG ee hadda ka shaqeeya.dalka.

Marxuum Xoosh Sannadkii 2012-kii waxa uu noqday xildhibaan ka tirsan Barlamaankii    9-aad ee Soomaaliya, horaantii sannadkii 2017-ka ayaa marke Ra’iisul wasaare Khayre u magacaabay wasiirka Arrimaha Dastuurka, wuxuuna labadii sanno ee la soo dhaafay Dastuurka dalka uu soo gaarsiiyey heer gabogabo ah, si mustaqbalka dhow afti dadweyne loogu qaado.

8-dii Maarso 2019-ka ayuu ku geeriyooday waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta,sabab la xiriirta ka qaybgalka arooska Gabadhiisa oo halkaasi ka dhacayay, waxaana habeennimadii Jimcaha ku soo booday xanuun deg deg ah kaasi oo isbitaalka ugu geeriyooday.isla 8-da Maarso R’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa guddi heer Qaran ah u magacaabay qabanqaabada aaska qaran ee Wasiirkii hore ee Dastuurka XFS Marxuum Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil.(INAA LILLAAHI WA INNAA ILLEYHI RAAJUCUUN).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com