Wararkii u dambeeyey ee doorashada Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo..

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhaceysa doorashada afarta kursi ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Qaban-qaabadii ugu dambeysa ee doorashada ayaa haatan ka socoto magaaladaasi, waxaana tartmaya illaa sideed musharrax oo qaarkood ay dumar yihiin.

Waxay kala yihiin:- Layla Nuux Maax iyo Xareedo Maxamed Sheekh, Ibrahim Awgaab Cismaan iyo Farxiya Macalim Cabdi, Maryan Faarax Kadiyeiyo Samsam Maxamed Bishaar, Xasan Daahir Yarow iyo Cabdi Xuseen Cali.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabayey codsiga guddiga hirgelinta doorashooyinka maamulkaasi ayaa soo magacaabay musharax cusub oo lagu bedalayo Cali Maxamed Cali oo shalay ka baaqsaday diiwaan-gelinta xubnaha u tartamaya afarka kursi ee ka harsan dowlad goboleedka Jubbaland.

Warqad kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in booska uu banneeyey Cali lagu bedalay musharax Cabdi Xuseen Cali oo isla maanta ka qeyb-galaya doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa magaallo xeebeedka Kismaayo.

“Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa musharaxa lagu beddalay Mudane Cali Maxamed Cali oo iskii uga baaqsaday ka qeyb galka u tartanka K8ASBFS doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. K8ASBFS Cabdi Xuseen Cali,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland.

Si kastaba, haddi ay maanta qabsoonto doorashada afartan xubnood, waxay Jubbaland sidaas ku dhammeystireysaa doorashada maamulkaas ee xubnaha Golaha Aqalka Sare.