Afar Senatar oo cusub oo lagu doortay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada Jubbaland ayaa maanta lagu doortay Senataradii ugu dambeeyey ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii shanaad oo ay doorashadiisa maanta ka dhacday gudaha Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali.

Sidoo kale Ibraahim Awgaab Cismaan ayaa ku guuleeystay kuriga 6-Aad isaga oo helay 57 cod, wuxuuna ka adkaaday Farxiya Macalim Cabdi.

Kursiga kale ee todobaad oo ahaa qoondo haween waxaa sidoo kale kusoo baxday  Layla Nuur Maax oo heshay 63, waxayna ka guuleysatay  Xareedo Maxamed Sheekh.

Doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kursiga ugu dambeeyey ee sideedaad oo ay ku tartamayaan laba musharax oo kale.

Waxaa goob joog ah doorashada xubo ka socda guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, kuwaas oo u tegay inay kor joogto ka noqdaan doorashada Senatarada cusub.

Jubbaland ayaa qorshaheeda uu yahay inay maanta soo gaba-gabeyso doorashada xubnaha Aqalka Sare, iyada oo horey u soo dooratay afar xubnood.

Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, iyada oo goobta ay ka socota doorashada la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska ee Jubbaland.