Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Guriceel iyo ciidan kusii jeeda oo maanta gaaray…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya oo horaantii toddobaadkan ka ambabaxay magaalada Beledweyne ayaa gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xili uu maamulku isku diyaarinayo dagaal ka dhan ah Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Taliyaha Guutada shanaad Korneyl Maxamuud Xasan Ibrahim ayaa hogaaminaya ciidamada gaaray Matabaan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya sida la sheegay howl-galada amniga lagu sugayo.

Ciidamo ka amar qaata hogaanka Ahlu-Sunna ayaa gebi ahaanba iskaga baxay degmada Matabaan oo ay soo galeen, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Guriceel oo maamulkeeda la wareegen.

Degmada Matabaan iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxa labadii maalmood ee u dambeeyay howl-galo ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug, oo la rumeysan yahay inay qorsheynayaan weerar ka dhan ah ururka Ahlu-Sunna.

Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya ee horey ugu sugnaa deegaanka Gowd Wiil oo waqooyi ka xiga Guriceel ayaa ruqaansaday dhanka magaalada, kuwaas oo haatan saldhig milatari ka sameystay meel qiyaastii 7 KM u jira magaalada Guriceel.

Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa inay dhinaceeda ay guluf ka wado magaalada, iyada oo billowday inay baaris ku sameyso gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa uga sii daraya xaaladda Guriceel, waxaana hakad galay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo waxbarashada ee magaaladaasi, ayada oo dadka deegaankana ay billaabeen barakicii ugu xooganaa.