Wararkii u dambeeyey ee qaraxyadii ruxay Beyruut

Muqdisho (Caasimada Online) – Baariyaasha Lubnaan ayaa ku foogan sidii loo heli lahaa ciddii ka dambeysay qaraxyadii ku habsaday caasimadda Beyruut Tallaadadii, illaa iyo hadda waxaa la aaminsan yahay in sababtu ay aheyd keydin xumo tobanaan tones oo maaddo bacraminta loo adeegsado oo sidoo kale qarax dhalisa taas oo lagu keydiyay makhsin ku dhex yaalay dekada.

Waraarka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladdu amartay in xabsi guri lagu hayo qaar kamid ah saraakiisha dekada Beyruut.

Sababta dhabta ah ee ka dambeysay qaraxyadii Talaadadii ilaa iyo hadda ma cadda laakiin waxaa la aamisan yahay in 2,750 oo maaddada ammonium nitrate oo 6 sano ka hor lagu keydiyay bakhaar dekada ku dhex yaala ay qaraxday.

Qaraxyadaas ayaa si weyn u gilgiley guud ahaan caasimadda Lubnaan ee Beyruut kaas oo ay ku geeriyoodeen 135 ruux in ka badan 5,000 oo kale ay ka dhaawacmeen.

Saraakiisha ayaa sheegaya in khasaaraha uu intaas ka badan karo maadaama kooxaha gurmad deg deg ah wali qodeyaan burburka kana raadinayaan dadka ku hoos jira dhismiyaasha burburey.

In ka badan 300,000 oo guri ayaa ku burburey, sida uu sheegay barasaabka Beyruut Marwan Abboud isagoo intaas ku daray in hanti lagu qiyaasay $10bn ilaa $15bn lagu waayay qaraxyada.

Golaha wasiirada Lubnaan ayaa ku dhawaaqay labo todobaad oo xaaladda deg deg ah lagu soo rogay caasimadda isla markaana ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidanka militiriga.

Safaaradda Mareykanka ee Lubnaan ayaa sheegtay in muwaadin Amerikaan ah uu kamid ahaa dadkii ku dhintay qaraxyadii Beyruut sidoo kalena dhowr qof ay ku dhaawacmeen.

“Waxaa tacsi tiiraanyo leh u direynaa ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay. Waxaan si dhow ula socon doonaa xaaladda haddii qof kale oo Mareykanka uu wax ku noqday qaraxyada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaarada Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda France, Jean-Yves Le Drian ayaa walaac ka muujiyay sugnaanta cuntada Lubnaan ka dib qaraxii ka dhacay Beyruut oo saameeyay dekada iyo bakhaaradii cuntada ugu waa weynaa dalka.

Le Drian ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in ay Lubnaan loo muujiyo is garab istaag dhanka dhaqaalaha ah.

Madaxweynaha France Emmanuel Macron ayaa maanta oo khamiis ah la filayaa in uu tagi doono caasimadda Lubnaan ee Beyruut.

Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku dhawaaqay in wadankiisa u balan qaaday dhaqaale dhan 1.4 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Lubnaan.

Morrison ayaa wariyeyaasha u sheegay khamiistan maanta ah in lacagtaas ku wareejinayaan  WFP iyo Bisha Cas si dawo iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga ah loogu iibiyo.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aaminsan in qaraxyadii Beyruut ay ahaayeen weerar si ula kac ah loo sameeyay, laakiin xoghayahiis difaaca ayaa qaba in qaraxyadu ahaayeen shil, sida AP ka soo xigatay.

“Sidee ku dhihi kartaa waa shil haddii qof uu meesha uga tagay waxyaabo khatar badan oo qarax sababi kara,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha.

Xoghayaha difaaca Mark Esper ayaa horaan sheegay in qaraxyadii Lubnaan ahaayeen shil sida uu aaminsan yahay.