Sawirro: Madaxweynaha Galmudug oo si weyn loogu soo dhoweeyey Turkiga

Istanbul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cadi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa si ballaaran loogu soo dhoweeyey magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Qoor-Qoor iyo wafdigiisa oo ka baxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku dhoweeyey safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Turkiga, ku xigeenkiisa iyo sidoo kale guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga.

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa waxaa Turkiga u dagan Qoyskiisa, waxaana wararka qaar ay sheegayaa inuu mari doono baaritaan caafimaad.

Sidoo kale inta uu joogo wadanka Turkiga wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Waa safarkii ugu horreeyey ee Qoor-Qoor ku tegayo Turkiga, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.