Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil muwaadin Soomaaliyeed oo loogu geystay gudaha wadanka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Faarax Weyd, kaas oo lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada  Durban ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo burcad Afrikan ay weerar ku qaadeen marxuumka oo uu markii hore soo gaaray dhaawac, balse markii dambe u dhintay.

Kooxda dilka fulisay oo goobta ka baxsatay ayaa lagu soo warramauaa inay doonayeen inay dhac u geystaan ganacsadahaasi Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dalka Koonfur Afrika, balse ma jirto wax tallaabo ah oo ay qaadeen dhacdada kadib.

Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa sii kordhayey dilalka iyo weerarada ka dhanka ah Soomaalida ee ka dhaca wadanka Koonfur Afrika.

Tan iyo markii la guda galay sanadkaan 2020 ayaa waxaa Soomaali badan dil iyo dhaawac loogu geystay magaalooyinka waa weyn ee wadankaasi.