Wararkii ugu dambeeyey ee shirweynaha mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shirweyne siyaasadeed oo ay leeyihiin dhammaan hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee sida weyn uga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid ballaaran ayaaa waxa uu socon doonaa21-ka illaa 23-ka bishan November, iyada oo looga hadli doono marxalada kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa si gaar ah diirada u saari doono arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxa shirkan lagu soo qaadi doonaa tabashada ay musharraxiinta mucaaradka ka muujiyeen guddiyada doorashooyinka & sidii xal looga gaaray.

Inta uu socday shirka waxaa ka qeyb-galaya siyaasiyiin caan ah, waxaana ka mid ah, ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogggaamiyaha xisbiga Dan-Qaran Daahir Maxamuud Geelle, madaxweynayaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan laga soo saaro go’aano ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo la xiriira doorashada soo socota.

Soomaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, waxaana jira khilaaf u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.